Dhageyso:Danjire Nicholas Kay oo cambaareeyey dilka wariye Keynaan.

0

Muqdisho (AGGM):Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyay dilka weriye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan oo saakay lagu dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ka dib markii qarax loogu xiray gaarigiisa.

Nicholas Kay ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay soo baaraan kooxihii soo maleegay dilkaas qorsheysan ee lagu dilay weriye Yuusuf Keynaan, isla markaana caddaaladda la hor keeno.

Ergeyga ayaa u jeediyay howl-wadeennada warbaahinta in ay feejignaadaan isla markaana ay ka taxaddaraan ammaankooda xilliyada ay shaqeynayaan.

Nicholas Kay ayaa tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo warbaahinta uu ka tirsanaa Yuusf Keynaan.

Allaha u naxariistee, wariye Yuusuf Axmed Abuukar Kaynaan ayaa ahaa tafaftiraha Radio Mustaqbal, wuxuuna sidoo kale la shaqeynayey idaacadda arrimaha bini’aadanimada ka hadasha ee Ergo.

Yuusuf Keynaan oo ka mid ahaa dhalinyarada ugu mustaqbalka wanaagsan ee dhinaca saxaafadda Soomaaliya, ayaa dhowaan ku guuleystay abaal-marino kale duwan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com