Fadeexad: Danjiraha Soomaaliya U Fadhiya Dalka Rwanda “Waxaan Ka Tirsanahay Golaha Haya Talada Dalka,Madaxweyne Xasan Sheekh-na Waxaan Ka Jecelahay Madaxweynaha Rwanda.

0

Kigali (AGGM):Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Ruwanda, Ambassador Abdullahi Sheikh Mohamed ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Shabakadda Wararka ee The Great Lakes Voice, wuxuuna tilmaamay inaysan jirin cid ka qaadi karta Xilka uu hayo.

Danjiraha oo lagu dhex wareystay Xarunta Safaaradda Somalia ku leedahay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu ka tirsan yahay Golaha maamuladalka Somalia.

“Cidna igama eryi karto xilka. U Sheeg haddii uu yahay Wasiirka Arrimaha Dibedda inaan leeyahay awood aan xilka kaga casili karo. Waxaan dhex fadhiyaa Golaha Somalia ee qorshaha u dejiya Somalia,” ayuu yiri Danjiraha.

Waxa uu intaasi ku daray inuu dalka Rwanda Isbahaysi muhiim la yahay Somalia, isla markaana aanan la xiri donin Safaaradda Somalia ku leedahay Rwanda.

Hadalkiisa ayaa waxa uu yimid iyadoo la hada-hayo inay Xukuumadda Federalka Somalia u yeeri doonto Danjirahan, isla markaana dhaqaale xumo darteed loo xirayo Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Ruwanda.

Dhinaca kale, Ambassador Abdullahi Sheikh Mohamed waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inuu Madaxweyne Xasan Maxamuud ka jecel yahay Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kigame.

“Waxaan Madaxweyne Paul Kigame u jeclahay si ka badan Jacaylka aan u hayo Madaxweynahayga” ayuu yiri Abdullahi Sheikh Mohamed, oo intaasi ku daray inuu rabi lahaa haddii uu Paul Kigame noqon lahaa Madaxweynaha Somalia.

Waxa uu Wareysigiisa ku xusay in Soomaalida ku nool Rwanda ku nool yihiin nabad iyo sharaf, inkastoo ilo xogogaal sheegayaan in Danjiraha iyo Qunsulkii hore ee Safaaradda Somalia ee Rwanda ka dhexeeyo is-qabqabsi iyo dagaal hoose.

Xigasho: Guji Wargeyska The Great Lakes Voice
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com