Dhageyso: Madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed Oo Dagaal Iclaamiyay.

0

Baydhabo (AGGM):Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in ciidamadii dhowaan qabsaday Shabeellaha Hoose ay yihiin mooryaan u dhalatay beelaha Hawiye sida uu hadlaka u dhigay.

Madaxweynaha Isagoo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay oo kawada dhisanyihiin laba maamul Goboleed kuwaasi oo kala sheegta sadax Gobol iyo Lix Gobol ayaa haatan madaxweynaha maamulka Lixda Gobol ku baaqay dagaal toos ah oo lageli doono maamulka shabeelle state.

Madoobe Nuunow oo fariin u dirayay madaxda maamulka Shabelle State ee ku sugan magaalada Marko ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan inay isaga baxaan magaaladaasi haddii aysan rabin dagaal iyo colaad hor leh.

Dhinaca kale Madoobe Nuunow Maxamed ayaa fariin u diray maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com