Dhageyso:Maamulka Dowladda Ee Gobolka Galguduud oo xabad joojin dhex dhigay maleeshiyo Beeledyo ku dagaalamay gobolkaasi.

0

Dhuusamareeb (AGGM):Kadib dadaalo ay wadeen mas’uuliyiinta heer degmo ilaa heer gobol ee maamulka gobolka Galguduud oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka ayaa lagu guuleystay in xabad joojin la dhex dhigo maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay dhawaan deegano katirsan gobolka Galguduud gaar ahaan dhulka miyiga ah ee hoostaga degmada Balambal ee gobolkaasi,

Gudoomiyaha gobolka Galguduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo maanta lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maamulka gobolku uu ku guuleystay inay heshiis xabad joojin ah dhex dhigaan dhinacyadii ku dagaalamay deegaanakasi oo ahaa dad reer miyi ah oo aano qabiil oo horay u dhex martay dagaalkoodu uu ku qotomo taasoo keentay in dad kabadan 10 ruux ay geeriyoodaan,

Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sidoo kale sheegay in hadda ay ku guuleysteen in dagaalka la qaboojiyo islamarkaana laga qeybgalo wadahadalada nabdeed ee xalka loogu raadinayo xiisadaasi si meesha looga saaro dagaalada dhex maraya dadka walaalaha ah islamarkaana loo baajiyo dhiiga daadanaya,

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa odayaasha dhaqanka ayaa dadaal dheer horay ugu galay sidii loo soo afjari lahaa xiisada gacan kahadalka ah ee ay dadka badani ku dhinteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com