Dhageyso:Ciidamada Kenya Oo Deegaanka Qooqaani Ku Dilay Nin Shacab Ah Ehelediisana UDiiday Inay Qaataan Meydkiisa.

0

Muqdisho (AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay nin shacab ah ay ku dileen Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose iyagoo markay dileen ka dib u diiday ehelediisa ay qaataan meeydkiisa.

Ciidamadan Dilka u geeystay ninkan xoolo dhaqatada ah ayaa ahaa ciidamada ka socda Dalka Kenya ee Fariisimaha ku leh deegaanka Qooqaani waxaana ay sheegeen inay uga shakiyeen ninkaasi inuu ahaa Al Shabaab markii dambena ay sidaasi kusoo dhiibeen Meydka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com