Daawo Sawirada:Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Rasaas Iyo Madaafiic La Dhacay Guriga Ganacsade Xaaji Siciid Ciise Ee Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM):Waxaa soo baxaya khasaaro baaxadweyn oo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ka gaysteen gudaha Magaalada Kismaayo 16-kii Bishaan June taaso sababtay dhimashada dad rayid ah iyo burburinta dhismayaal si gaar ah loo bartilmaamedsaday.

dhacdada foosha xun iyo kuwo ka horeeyay ee sida aadka ah looga argagaxay waxaa kamid ahaa kaddib markii ciidamo ay baacsanayeen maleeshiyo beleedka ka amar qata Axmed Madoobe ay galeen dhismo dad rayid ah laguna garaacay Madaafiic iyadoo aan la eegin gudaha dhismaha cidda ku jirtay.

Dhismaha ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe Madafiicda ku garaceen waxaa ku jiray ilaa in ka badan 13 Qof oo isugu jiray Caruur Wayeel iyo Haween waxaana gurigas iskalaha Xaaji Siciid Ciise oo kamid ah Ganacsatada sida weyn looga qadariyo Magaalada Kismaayo.

Amarka burburinta dhismaha warar hoose waxay sheegayan in uu lahaayeen Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo amray in dhismaha dhulka la dhigo iyadoo aan la eegin cidda gudaha ku jirta balse la eegayay oo keliya Dhalinyaro hubaysan oo si lama filaan ah gudaha guriga u galay kuwaaso ay baacsanayeen Ciidamo beleed ka amar qata Axmed Madoobe.

Guriga oo Gudahiisa ay ku jireen Caruur Haween iyo Wayeel waxaa lagu garacay Madaafiic meel aan sida uga fogayn guriga lala istaagay kaaso ba bi’yay qaybo badano guriga ah sida ka muuqata Sawirada.

Wararka qaar waxay tilmaamayaan in si gaar ah uu weerarka Maleeshiyada uu hogaamiyo Axmed Madoobe bartilmaameed ugu ahaa Ganacsade Xaaji Siciid balse ay u mareen qaab qaldan bartilmaameedka weerarka gurigiisa.

Qaar kamid ah Odayaasha Beelaha Harti ayaa Warbaahinta u sheegay in arrinta ay ahayd in loo maro waddo ka duwan qaabka Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni u wajaheen la dagalanka Dhalinyaro ka caraysan Dhibatada Joogtada ah ee gudaha Magalada kala kulmaan Beelaha Harti oo kamid ah Beelaha ugu badan ee dega Magaalada Kismaayo.

“waxay ahayd in arrinta dhalinyarada oo ahayd mid sahlan waxna laga qaban karay loo maro waddo ka duwan tan dhacday waxana saarayna Mas’uliyadda dhibta dhacday Maamulka oo ay ka muuqato Khibrad xumo iyo Maleshiyanimo waa in Qaab Dowladnimo loo dhaqmaa” ayuu yiri Maxamed Xasan oo kamid ah Waxgaradka.

Horjooge Geele Maxamed Aadan ayaa ku tilmaamay dhacdadi dhacday mid lagu bacsanayay dhalinyaro Hubaysan iyagoo meesha kasaray dhibatada kale ee ay Maleeshiyadooda gaysteen ee ah Dhimashada iyo in Madaafiic lagu Garaacay Guryo ay degganyihiin dad rayid ah.

Waxaa jira Kulamo ay dhacdadi dhacday ka leeyihiin Beelaha Harti Odayashooda iyagoo dhanka Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ku eedayay Talabooyinka qaldan ee aan ka fiirsashada laheen ee ay ku hayaan Beelaha Deggan Magaalada Kismaayo oo ku nool qaab u dhiganta in aysan Dalka wax ku lahayn.

Isku soo wada duuboo falkan waxuushnimada ah ayaan ahayn kii ugu horeeyay ee ay geeystaan maleeshiyo beeledka Raaskambooni sida la filayana ma noqon doono midkii ugu dambeeyay ee dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Kismaayo  ee aan waxba galabsan loo geeysto, balse waxaa si joogta ah  loogu geeystaa shacabka magaalada Kismaayo Dil, Dhaawac, Xarig, Kufsi iyo Barakicin Baahsan oo aan lahayn kala joogsi, mana ay jiraan cid si bareer ah uga hadasha ama wax uga qabata falalkan fuleynimada iyo waxuushnimada ah ee ay geesanayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Horjooge Axmed Madoobe.

SAWIRKA-2AAD-600x338 SAWIRKA-3AAD-600x339 SAWIRKA-4AAD-600x338 SAWIRKA-6AAD-600x340 SAWIRKA-7AAD-600x337 SAWIRKA-8AAD-600x335 SAWIRKA-10AAD-600x336 SAWIRKA-11AAD-600x341 SAWIRKA-12AAD-600x336 SAWIRKA-14AAD-600x339 SAWIRKA-15AAD-600x336 SAWIRKA-16AAD-600x341 SAWIRKA-18AAD-600x338 SAWIRKA-19AAD-600x337 SAWIRKA-1AAD-600x340 SAWIRKA-5AAD-600x337 SAWIRKA-9AAD-600x337 SAWIRKA-13AAD-600x342 SAWIRKA-17AAD-600x336

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com