Xog: Maxaa Ka Jira In Danjire Mohamed Salah Annadif Uu Is Casilay?

0

Muqdisho (AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Muqdisho Iyo Addis Ababa ayaa waxa ay sheegayaan in Wakiilka midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Mohamed Salah Annadif uu s Casilay.

Warkan ay heshay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Mohamed Salah Annadif is Casilaadiisa uu u gudbiyay Ururka midowga Afrika ayna ka aqbaleen.

Sida warkan uu sheegayo waxaa lagu wadaa in maalinimada Berito ah uu Danjire Mohamed Salah Annadif Shir Jaraa’id ku qabto doono Magaalada Muqdisho oo uu ku sheegayo inuu is Casilay.

Warkan ayaa sidoo kale ku daraya in is Casilaada Danjire Mohamed Salah Annadif ay salka ku hayso ka dib markii uu Cadaadis baaxad weyn uu kala kulmay Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo warkan ay heshay Warbaahinta AGGM ayaa hadduu dhab noqdo waxa ay is Casilaada Danjire Mohamed Salah Annadif noqonaysaa mid dhabarjab weyn ku ah dowladda Soomaaliya haddii Danjire cusub loo soo magacaabo Mas’uul ka soo jeeda dalalka Ciidamadooda ay joogaan dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com