Dhageyso:Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqasho Ku Tagaya Gobolka Bakool.

0

Xudur (AGGM): Warar ay Heleen Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ay ku wajahan yihiin Qeybo ka mid ah Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaari doona Degmooyinka Xudur iyo Waajid ee Gobolka Bakool,halkaa oo ay ka taagan tahay Xaalad Adag oo haysata Dadka ku nool Degmooyinkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Xudur Ee Dowladda Soomaaliya Max’ed Macalin ayaa Idaacada kulmiye u Xaqiijiyey in Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uu ku hormari doono Degmada Xudur,kadibna uu tagi doono Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Waxaa Degmooyinkaasi Dadka ku nool Go’doomiyey Kooxda Al-shabaab,ayadoona Dhawaan Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay Degmada Waajid Gaarsiisay Gar-gaar loogu talo galay dadka halkaasi ku tabaaleysan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com