War Deg Deg Ah:Weerar Kale Oo Saaka Ka Dhacay Poromoko Oo U Dhow Deegaanka Mpeketoni Ee Magaalada Lamu Dalka Kenya.

0

Poromoko (AGGM):Weerar kale oo Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba geystay ayaa rag hubaysan waxa ay ku qaadeen Dalka Kenya gaar ahaan deegaano ku dhaw Mpeketoni oo habeen hore weerar culus Al-Shabaab ay ka geysteen.

Weerarkaan ayaa waxaa la sheegay in Rag hubaysan oo loo malaynayo inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin inay ku dileen dad gaaraya ilaa 8-ruux sida saaka lagu daabacay wargeyska The Standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi.

Wuxuu ka dhacay weerarkaan tuulada Poromoko oo u dhow deegaanka Mpeketoni ee magaalada Lamu ee dalka Kenya, waana weerarkii labaad ee ka dhaca dalka Kenya labo habeen oo isku xigta.

Dadka la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen dadka deegaanka, waxaa sidoo kale la gubay guryo ku yaalay tuulada uu weerarkaan ka dhacay Poromoko.

Taliyaha ciidanka Booliska Kenya David Kimaiyo ayaa caddeeyay inay jiraan helitaanka meydad hor leh, balse waxa uu xusay inay hubinayaan inay jiraan weerarro cusub oo lagu qaaday tuulada Poromoko sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa Idaacada Andulus ee ku hadasha Afkooda saaka waxa ay ka baahiyeen in ciidamo ka tirsan Dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ay weerar habeenkii labaad xalay ka geysteen gudaha dalka Kenya, weerarkaasi oo sida Idaacada Shabaabka laga baahiyay ay sheegeen in lagu dilay 20-ruux.

Habeen kahor ayeey aheyd markii Al-Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen Mpeketoni oo ku dhaw Magaalada Laamu, halkaasi oo ay ku dileen dad gaaraya 48-ruux, ayna gubeen guryo Hoteelo, gaadiid, Saldhig Booliis iyo Bangi halkaasi ku yaalay.

Armuurahaan ayaa muujinaya sida Kenya uu usameeyay amnidarada dalkeeda, waxaana Al-Shabaab ay horay usheegeen inaysan joojin doonin dagaalada ka dhanka ah Dalka Kenya ilaa ciidamada Kenya ay ka baxaan Soomaaliya .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com