Top News: Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhiga Cabdalla Xuseen Cali Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyey Dhaqangalka Heshiiski Doolow.

0

Balad Xaawo(AGGM):Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabdalla Xuseen Cali ayaa rajo ka muujiyey dhaqan-galka heshiiski dhawaan lagu gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo oo lagu soo afjarayey dagaal dhinacyo ku hubeysan ku dhexmaray Balad Xaawo.

Cabdalla Xuseen Cali oo la hadalay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dhinacyada heshiiska gaaray iyo kuwa dhex-dhexaadinayeyba ay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin in heshiisku meel maro.

Waxuu timamay in la qorsheynayo kun kale oo lagu xaqiijinayo hirgelinta heshiiska sida ku cadeyda qodobbada la isku raacay.

Toddobaadkan horraantiisa ayaa lagu saxiixay Doolow heshiis ay gaareen maleeshiyaad ku diriray Beledxaawo oo kala taabacsanaa maamullada labadan degmo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com