War Deg Deg Ah:Maleeshiyadi Beesha Harti Oo Dagaalki Magaalada Kismaayo Looga Adkaaday Lana Sii Baacsanayo.

0

Kismaayo (AGGM); Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahaan magaalada Kismaayo laga saaray Maleeshiyadi beesha Harti.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dagaalki u dhexeeyay maleeshiyada beesha Ogaadeen iyo Maleeshiyada beesha Harti ee ka socday magaalada Kismaayo uu istaagay, kadib markii cagta la mariyay maleeshiyada beesha Harti.

Waxaa istaagay dagaalki ka socday saacadaha magaalada Kismaayo ka dib marki magaalada laga saaray loona awood sheegtay maleeshiyadi beesha Harti, balse weli waxaa gudaha magaalada Kismaayo laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo dhacaysa.

Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac waloow aan la xaqiijin karin maadaama wax faah faahin ah aysan ka bixin horjoogayaasha hogaaminayay dagaalka u dhexeeyay maleeshiyo beeleedyadan ku dagaalamayay gudaha magaalada Kismaayo, xog ogaal ku sugan gudaha  magaalada  ayaa waxa uu u sheegay Warbaahinta Allgalgaduud Media inay dhimashadu gaareeyso isku dar labada dhinac ku dhawaad 20-tameeyo ruux unna badan tahay dhanka maleeshiyda beesha Ogaadeen.

Dhinaca kale Ciidamada AMISOM ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa iyagu u soo dhaqaaqin iskuna daawanayay dagaalka u dhexeeyay maleeshiyo beeleedyada Ogaadeen iyo Harti.

Isku soo wada duuboo shacabka magaalada ayaa guryahooda ku jira iyagoo ay soo food saartay cabsi la xiriirta inay waxyeeleeyso xabada wiiftada ah ee ay isku ridayaan labadaa maleeshiyo beeleed ee maanta ku dagaalamay gudaha magaalada Kismaayo.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com