War Deg Deg Ah: Maleeshiyadi Doolow Oo Laga Saaray Magaalada Balad Xaawo.

0

Balad Xaawo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Balad Xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyadi Doolow laga saaraya magaaalda Balad Xaawo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in magaalada Balad Xaawo iminka laga saaray maleeshiyadii Doolow islamarkaana uu goobjoog ka ahaayeen ka saaridooda Wasiir ku xigeenka Gaashanadhiga Cabdalla Xuseen Cali iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Waxaa muuqata in shacabka magaalada Balad Xaawo maanta ay u soo hoyatay guul marba haddii laga saarayo dhamaan maleeshiyaadka islamarkaana magaalada ay noqon doonto magaalada ugu weeyn ee dhanka Ganacsiga ee isku xirta Somaaliya iyo dowaladdaha deriska la ah.

Isku soo wada duuboo saaritaanka dhamaan maleeshiyaadka ayaa waxa ay horseedaysaa in shacabka magaalada Balad Xaawo ay dib u helaan Nabad iyo Horumar.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com