War Deg Deg Ah: Dagaal U Dhexeeya Beelaha Harti Iyo Ogaadeen Oo Hadda Ka Socda Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in uu magaaladaasi ka socdo dagaal beeleed u dhexeeya beelaha Ogaadeen iyo Harti.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka biloowday kadib markii nin ka soo jeeda beesha Majeerteen lagu dilay goobta loo yaqaan Somali Star qori uu watayna laga qaatay, waxaa daqiiqado kadib sidoo kale maleeshiyo kasoo jeeda beesha Majeerteen ay dileen nin ka soo jeeda beesha Ogaadeen qorigi uu watayna waa ay ka qaateen

Waxaa durbaba sidaa ku biloowday dagaalkan u dhexeeya beelaha Harti iyo Ogaadeen oo hadda ka socda gudaha magaalada leeysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa iminka xoogiisa waxa uu ka kala socdaa nawaaxiyada masaajidka Xaaji Jaamac iyo Isbitaalka magaalada Kismaayo labadaas aag oo loo soo baacsaday maleeshiyada beesha Ogaadeen.

Dhinaca kale waxaa jira warar iyaguna sheegaya in dagaalka xoogiisa uu biloowday ka dib markii maleeshiyada beesha Ogaadeen ay dagaal rogaal celin ah ku qaadeen maleeshiyada beesha Harti (Majeerteen).

Isku soo wada duuboo ilaa hadda waxaa jirin warar kale oo faah faahsan oo kasoo baxaya maadaama weli uu socdo dagaal, mana ay  ka hadlin horjoogeyaasha labadan maleeshiyo ee isku haya gudaha magaalada Kismaayo.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com