Dhageyso:Gudoomiyihi Maxkadamada Degmada Warta Nabada Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho (AGGM):Dableey Hubeysan ayaa waxay Xalay ku dileen Magaalada Muqdisho mid ka mid Mas’uuli u shaqeynayay dowladda Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Ibraahim waxaana uu ahaa Garsoore ka shaqeyn jiray Maxkamada Degmada Warta Nabada (Ex Wardhiigleey) iyadoo dabley ku hubeysanaa bistoolado ay ku dileen isagoo gurigiisa joogay.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Waaberi Axmed Muumin Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay dilka Marxuumkaasi isagoo ku sheegay Shil yar oo dhacay inay ka xun yihiin kadib ayuuna sheegay inay baaritaano arintaasi kooxihii ka dambeeyey ay wadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com