Dhageyso:Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Oo U Hanjabay Ciidamada Dowladda.

0

Muqdisho (AGGM):Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare C/raxmaan Maxamed Tuuryare Ayaa Sheegay in Sharciga la Marsiin doono Askarigii lagu qabtaa isagoo wax dhacaayo.

Guddoomiyaha waxa uu Sheegay in Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka ee Dowlada Soomaaliya ay Diyaar u tahay in ay Sharciga marsiiso Askarigii isku dayaa in uu dhibaateeyo Shacabka.

“Askarigii ka tirsan ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee dhac geysta, meesha uu dhaca ka geystay haka qoto godkiisa, sababtoo ah sharciga ma dhaafayo”Ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidanka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka ee Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay Kufsiga mararka Qaar loo geysto Haweenka Soomaaliyeed waxa uuna Sheegay in Askarigii isku daya inuu Sameyo Arrintaasi ay marsiin doono Sharciga ayna u dulqaadan doonin.

Masuuliyiinta ku cusub xilalka Dowladda ayaa marka jeediya hanjabaado iyo hadalo ay isku soo shaacbixinayaan, marka dambana waxa ay la mid noqdaan halka ay mareen masuuliyiintii hore.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com