Dhageyso+Deg Deg: Maleeshiyada Beesha Ogaadeen Oo Dib U Riixay Maleeshiyada Beesha Harti Iyo Gurmad Soo Gaaray Maleeshiyada Beesha Harti.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya iminka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyada beesha Harti laga saaray magaalada Kismaayo.

Dagaalkan saacado ka hor ka qarxay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ka biloowday kadib markii nin ka soo jeeda beesha Majeerteen lagu dilay goobta loo yaqaan Somali Star qori uu watayna laga qaatay, waxaa daqiiqado kadib sidoo kale maleeshiyo kasoo jeeda beesha Majeerteen ay dileen nin ka soo jeeda beesha Ogaadeen qorigi uu watayna waa ay ka qaateen.

Ugu horeeynti Dagaalka oo biloowday 11.00 subaxnimo ee maanta ayaa waxaa u suuro gashay maleeshiyada beesha Harti inay jiiraan dhamaan difaaci beesha Ogaadeen taa oo sababtay in maleeshiyada beesha Ogaadeen leeysugu geeyo laba aag nawaaxiga masaajidka xaaji jaamac iyo isbitaalka magaalada Kismaayo,kadib markii maleeshiyada beesha Ogaadeen labadaas aag loo soo baacsaday ayay waxay abaabuleen dagaal rogaal celis ah oo ay u adeegsanayeen gaadiidka dagaalka (Tikniko) taa oo sahashay in la jiiro dhamaan difaacyadi beesha Harti ee ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maleeshiyada beesha Harti la baacsaday haddana la dhaafiyay halka loo yaqaan xeebta Mujaangow ee xaafada Calanleey, waloow maleeshiyada beesha Harti ay u soo gurmadeen ciidamo horey uga baxay magaalada oo ku sugnaa deegaanka Qandal taas ayaana waxa ay suuro galisay in maleeshiyada beesha Harti ay dib ulla wareegaan fariisimihi laga kiciyay, haddana xabada ay ka socoto goobihi ay ka bilaabatay.

Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac waloow aan la shaacin tiradooda, balse si horudhac ah ayaa waxaa loo sheegayaa oo ana la hubin geerida sarkaal sare oo ka tirsanaa saraakiisha wadatay maleeshiyada beesha Harti.

Weli waxaa gudaha magaalada Kismaayo ka socda dagaalka u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada beelaha Ogaadeen iyo Harti.

Illaa hadda horjoogeyaasha kala hogaaminaya labadan maleeshiyo beeleed ayaa wax war ah siin bahda saxaafada oo ay uga hadlayaan dagaalka u dhexeeya.

Isku soo wada duuboo shacabka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay nasiib u yeesheen xasuuq joogto ah iyo barakicin maalin iyo habeen aan joogsi lahayn cid ka hadasha qasaaraha soo gaara shacabkana ma ay jirto.

Hoos Ka Dhageyso Qof Rayid Ah Oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo oo wareeysi siiyay warbaahinta.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com