Dhageyso:Caydiid Ilka Xanaf “Sheekh Ibraahim Waa Garsoorihi 16-aad Ee Lagu Dilo Magaalada Muqdisho”.

0

Muqdisho (AGGM):Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee DF Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa ugu horeyn waxa uu tacsi u diray eheladi iyo qaraabadi uu ka baxay Garsoore Shiikh Ibraahim Xasan oo kooxo hubeysan ay ku dileen Degmada Waaberi.

Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa waxa uu sheegay dilka garsoore Shiikh Ibraahim Xasan uu noqonayo garsoorihi 16-aad ee lagu dilo iyagoo gudanaya shaqadooda gudaha magaalada Muqdisho.

Ceydiid Ilka Xanaf ayaa waxa uu sheegay in ay tahay nasiib daro in la laayo garsooreyaasha maxkamada iyagoo u adeegaya bulshada, dowladdana ay daayacdday sugida ammaanooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com