Dhageyso: Al Shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacay Jaziirada Madhawa.

0

Badhaadhe (AGGM):Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose Faarax Heybe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay Madaafiic ku Garaacen jasiirada Madhawa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Waxuu sidoo kale sheegay Faarax Heybe in Madaafiicdaasi ay ku Geeriyoodeen ugu yaraan Shan Ruux oo rayid ah islamrkaana ka mid ahaa Dadka ku nool Jasiirada Madhawa.

Faarax Eebe oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu intaasi ku daray in Al-shabaab ay Go’doomiyeen Jasiirada Madhawa.

Isku soo wada duuboo weriyeyaasha bahda saxaafada ee Jubbada Hoose ayaa soo sheegaya in Dagaalka dhexmaray maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Al Shabaab ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 7 Ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com