Dhageyso:Ku Xigeenka Ergeyga Q.M Ee Soomaaliya Phillip Lazzarini Oo Ka Digay Xaalad Macluul Ah Oo Ku Soo Fool Leh Dalka.

0

Muqdisho (AGGM):Ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna xiriiriyaha gar-gaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya, Phillip Lazzarini oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xaalad macluul ah oo ku soo fool leh dalka, isagoo tilmaamay in roobabka oo yaraaday, Al-shabaab oo waddooyinkii gargaarku mari lahaa xiraty iyo dagaallo meelaha qaar ka soo cusboonaaday ay xaaladda adkeeyeen.

Mr Phillip ayaa sheegay in dad aad u fara badan ay u baahan yihiin in la caawiyo kuwaa oo uu tilmaamay haddii aan si dhaqso ah wax looga qaban xaaladoodu ay noqon doono mid halis ah.

ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Q.M ayaa sheegay in Soomaliya ay ka mid tahay dalalka ay ku nool yihiin caruurta ay hayso nafaqo-darrada baahsan, isagoo xusay in toddoba cannud oo kasta oo da’oodu ka hoosayso shan sano uu mid ka mid ah ay nafaqo-darro hayso.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii deegaannada iyo degmooyinka gobolada dalka loo gaarsiin lahaa gar gaarka bini’aadanimo ay u baahan yihiin dadka, iyadoo Ciidamada qabka sida ay ku guuleysteen in ay isku furaan wadooyinka qaar kuwaa oo ay ku amar ku taagleynayeen maleeshiyaadka Shabaab kuwa kalena hadda ay socdaan furisteeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com