Dhageyso: R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Iyo Xildhibaano Xalay Ka Shiray Xaalada Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Muqdisho (AGGM):Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay Kulan Ku yeesheen magaaladaas Xildhibaano ka tirsan Beel ka mid ah beelaha  ka soo jeeda gobolka Shbaeellaha Hoose iyo R/wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed iyadoona kulankaasi uu ahaa mid albaabada u xiran oo bahda saxaafada loo diiday.

Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa waxa uu u sheegay in uu ka codsanayo Xildhibanaada in Maleeshiyaada ka saaraan Magaalada Marka dibna loogu gacan geliyo halkaasi Maamulkii hayey.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada gobolka Shabeellaha Hoose ee kulankan ka qeyb galay ayaa ku gacan seeyray hadalka R/wasaaraha iyagoo sheegay inaysan Maleeshiyaadka ka saari doonin Marka oo ay guryahoodi joogaan waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday Fashil iyo in lagu kala kaco.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com