Dhageyso: Axmed Cabdi Godane Oo Xabsi U Taxaabay Horjoogihi Ajaanibta Al Shabaab.

0

Baraawe (AGGM):Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ka soo horjeesatay Fikirka Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane lagu Xiray Degmada Baraawe.

Saraakiisha lagu Xiray Degmada Baraawe ayaa waxaa ka mid ah C/laahi Qanaas oo ka mid ah Saraakiisha Al-shabaab,gaar ahaan kuwa Ajaanibta iyo sidoo kale Nin Darawal u ahaa Sargaal lagu Magacaabo C/laahi Yuusuf oo Shabaabka u qaabilsan dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in Ujeedka Saraakiishaan loo Xiray ay tahay,in ay ka soo horjeesteen Fikirka Axmed Cabdi Godane Hogaamiya Kooxda Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com