NUSOJ iyo Horn Media oo Tababar lagu Baranayay Kaamirada iyo Habsami u Shaqeynteeda oo Suxufiyiin u Soo Gebagebeeyay, Suxufiyiin Cusubna Tababar u bilaabay.

0

Mogadishu, June 23, 2014, Suxufiyiinta dhameysatay koorso la xiriirta Barashada Kaamirada iyo habsami ugu shaqeynteeda iyo suxufiyiin koorsadaas loo furayo ayaa xaflad loogu qabtay xarunta Somali Media Academy ee magaalada Muqdisho, maalinta Jimcaha ee taariikhdu ahayd 13 June, 2013.

Koorsadan oo soconaysay muddo ka badan 3 bilood (February – April) ayaa waxaa isla agaasimay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Machadka Saxaafadda ee HOMED, waxaana ujeedka looga gol lahaa uu ahaa in la hormariyo isla markaana la tayeeyo suxufiyiinta ku shaqeeya Kaamirada ee gudaha iyo dibadda si loo helo muuqaalo tayeysan. Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay furitaanka tababar kaas la mid ah oo loo qabanayo suxufiyiinta ka shaqeysa talefishinada gudaha iyo kuwa dibadda.

Xafladda oo uu furay Cabdirashid Cabdulle (deyl) xoghayaha Maaliyadda ee NUSOJ isla markaana soo dhoweynta ka qeyb galayaasha kadib ku dheeraaday qaabkii loo unkay fikirka ah in la tayeeyo qeybaha ku shaqeeya filinka ee dalka gudihiisa, isagoo tibaaxay in ay NUSOJ sii wadi doonto dadaalada aqoon kobcinta ah oo ay u heyso bahda saxaafada Soomaaliya.

Agaasimaha HOMED, Cabdi Cali oo ahaa macalinkii duruustaas bixinayay, isla markaana hogaamiyaya machadka NUSOJ ay iska kaashadeen fulintiisa ayaa halkaasi ka qeexay muhiimada ay leedahay in la tayeeyo sawirqaadayaasha ka shaqeysa talefishinada, taasoo horseedi doonto in ay soo saaraan muuqaalo tayeysan oo anshax saxaafadeed ku qotoma.

Sidoo kale, Agaasimaha Somali Media Academy, Cabdiqaasim Macalin Ahmed, ahna machadka xafladdu ka dhacaysay, isla markaana tababarkan kale marti gelin doona ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in aqoonta suxufiyiinta kor loo qaado, iyadoo horseedi karta in suxufiyiintu aqoontooda ku kaban dalkooda, waxa uuna balan qaaday in uu la shaqeyn doono Machadka HOMED iyo NUSOJ oo tababarka iska kaashanayay.

Hinda Cumar Jaamac oo ah saxafiyad ka qalinjebineysa tababarka iyo habsami ugu shaqeynta kaamirada ayaa sheegtay faa’iidooyinkii ay ka heshay qaadashada tababarka iyo qataro ay sheegtay inay horey ugu gashay kaamirada qaadistiisa, oo ay sheegtay in hadda wixii ka dambeeya ay ka qeyb qaadan doono sidii dumar suxufiyiinta ah loo dhiirigelin lahaa sidii ay u baran lahaayeen ku shaqeynta Kaamirada, oo aad hadda moodo inay raga keliya ku badan yihiin.

Sidoo kale, waxaa isna goobtaa ka hadlay Cabdirahman Xasan Xuseen oo ah saxafi u shaqeysa talefishinka Reuters ayaa sheegay in 100% ay xirfadiisu ku korortay tababarka, isla mar ahaantaana manta uu isku filan yahay halka tababarka hortiis uu dhibaato ku qabay ku shaqeynta kaamirada. Waxa uu sidoo kale sheegay in markii uu koorsada qaatay, filimadii uu diray ay madaxdiisu uga soo mahadcelisay, ayna u sheegeen in ay tareenka hadda la soo fuulay, halka tababarka hortiis loo soo diri jiray qaacidooda uu marayo, halka manta keligiis uu isku filan yahay

Saxafi ka shaqeeya Horn Connect oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Maxamed ayaa sheegay markii uu tababarkan qaatay filimadii uu qaaday loo riyaaqay, waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay filin uu u duubay CCTV oo ah telefishinka Shiinaha laga leeyahay, noqdayna filimkii ugu fiicnaa ee Afrika laga soo diro, amaantaasna uu u celiyey macalinkii isaga wax soo baray.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim oo isna goobta ka hadlay ayaa cadeeyay sida ay NUSOJ uga go’an tahay tayeynta iyo sare u qaadida aqoonta Suxufiyiinta, isagoo sheegay in tababaro dhowr ah sanadkan NUSOJ u qabatay suxufiyiinta Muqdisho jooga, isagoona balanqaaday in dhowaan ay gaari doonaan suxufiyiinta ku kala nool gobolada sidii xirfadooda sare loogu qaadi ahaa.

Ugu dambeyntii, wasiir-ku xigeenka warfaafinta, Cabdullahi Colaad Rooble ayaa u mahadceliyey NUSOJ, HOMED iyo Somali Media Academy sida ay ugu taagan waxbarista suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoona tilmaamay in ku shaqeynta kaamirooyinka ay wadankeeda dhinacaas ka liito, isla markaana sheegay in xitaa 10 suxufi sanadkii hadii la soo saaro inay anfacayaan dalka, oo haatan uu ku tilmaamay talefishinada muuqaalada ay soo gudbiyaan kuwo ka tarjumaya heerarkooda aqooneed, loona baahan yahay in aqoontooda kor loo qaado.

Wasiir Cabdullaahi ayaa ugu dambeyntii guddoonsiiyay shahaadooyinka saxafiyiintii ka qalinjebisay tababarka, isla markaana furay tababarka cusub oo loo furay 20 suxufi oo ka howl gala talefishinada dalka.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com