War Deg Deg Ah: Ciidamo Iyo Hub Soo Gaaray Ciidamada Goobweyn Iyo Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Biloowday.

0

Goobweyn (AGGM):Ciidamada Isbahaysiga Nabad iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka ee ku sugan Deeganka Gobweyn ee duleedka Kismaayo ayaa waxaa so garay hub iyo ciidamo dheeri ah.

Sida uu ino sheegay Cabdilahi Maday oo ka mid ah dadka deeganka Sabco asharaaf dagan waxaa maalmahan deegankaasi soo garayay Ciidamo ka kala yimid deegano kala duwan oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose iyo waliba Ciidamo Doonyo ay ka soo dad guraynayaan Magaalada Muqdisho kuwaas oo ku labisan dareyska Ciidamad Dowlada Fadaralka Somalia.

Sida aan ka helnay ilo lagu kalson yahay qalabka ka dagay xeebta deeganka Sabco asharaaf waxaa uu u badan yahay qoryaha lo yaqaano Jiib Gacmeedka iyo Basuukeyaasha kuwaas oo logu talagalay in lagula dagaalamo gadiidka dagaalka .

Si aan Xog badan uga ogaano halka ay Ciidamada Muqdisho ka imanaya ay ka tirsanayeen ayaa waxaa Shabakada Allgalgaduud Media ay Xiriir la samaysay Col Farxaan Xusein oo ka mid ah Sarakiisha Ciidamada Dowlada Somalia ee ka soo jeeda Gobolada Jubboyinka oo ku sugan Muqdisho.

Col Farxaan ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Muqdisho ka tagay ee Garay Gobweyn ay yihiin Ciidamadi beesha Sade ugu jiray Milatariga Somalia ee ku sugnaa Muqdisho iyo Sh dhexe kuwaas oo u dulqaadan wayay Tacadiyada Magaalada Kismaayo logu gaysanayo shacabki ay ka soo jeeden.

Asago hadalkiisa sii wada ayaa waxaa uu col Farxaan sheegay in dhawaan Kismaayo ay ka dhici doonto wixii ka dhacay magaalada Marka ee gobolka sh hoose waxaa una intaasi sii raciyay in uu jiro Xiriir wanagsan oo ka dhaxeeya Ciidamada Milaariga Somalia kuwooda hada ku sugan Gobweyn iyo kuwa ku sugan Marka.

Dhanka kale Deeganka Gobweyn waxa ka bilowday diyaar garow dagaal kaas oo lagu qaadayo Magaalada Kismaayo oo u jirta 8 km waxaana Ciidamada Isbahaysiga Nabad iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka ka go,an in ay Magaalada Kismaayo ka saaran kooxda Raskambooni oo dhib aad u weyn ku haysa shacabka Kismaayo qaybahooda kala duwan.

Maxamed Cisman Jamac
Muqdisho-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com