War Cusub+Dhageyso: Cabdi Casiis Maxamed Aadan “Khaatumo Waa Caqab Puntland Hortaagan, Somaliland-na Al Shabaab Ayay Buraleyda Galgala Keenaan”.

0

Garoowe (AGGM):Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Amniga Maamulka Puntland Cabdi Casiis Max’ed Aadan ayaa waxaa uu ka hadlay Xiisada Dagaal ee ka jirta Gobolka Sool iyo Qabsashada Soomaaliland Magaalada Taleex.

C/casiis Maxamed Aadan ayaa Maamulka Soomaaliland mar kale ku eedeeyey in Al-shabaab ay gadaal ka wado oo Deegaanada Puntland ay soo galeneyso.

Wasiir Kuxigeenka Amniga maamulka Puntland ayaa intaa ku daray in Soomaaliland ay ku soo duushay Dhulka Puntland oo gardaro cad ay ku soo weerartay sida uu sheegay.

Maamulada Soomaaliland iyo Puntland ayaa in mudo ah isku haystay Dhul uu midba midka kale sheeganayo in uu leeyahay,ayagoona Dhowr jeer ku dagaalamay Dhulkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com