Dhageyso: Beesha Caalamka Oo Uga Digtay Somaliland iyo Puntland Inay Colaad Huriyaan, Iyo In Deg Deg Looga Saaro Ciidamada Gobolada Sool Iyo Sanaag.

0

Muqdisho (AGGM):Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Neil Wigan, Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervoned’Urso, ayaa ku baaqay in dhammaanba ciidamada hubaysan ay dib uga baxaan deegaannada lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Wakiiladaan, oo walaac weyn ka muujiyey ciidamada la geeyay deegaannadaas, ayaa ugu baaqay maamullada Somaliland iyo Puntland in ay ka waantoobaan rabshadaha isla markaana ay ka hortagaan isticmaalka ciidamada hubaysan.

Safiirka Ingiriiska, Ergayga gaarka ah ee Mareykanka iyoWakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ayaa ku boorrinaya maamullada Somaliland iyo Puntland in ay kaashadaan bulshada deegaanka, ayna nidaam wax dhisayo helaan, si qaab wadajir ah wax looga qabto tabashada dhaqaalaha, horumarka iyo bini’aadanimo ee dadka ku nool gobollada la isku haysto, iyada oo aan la eegeynin sheegashada labada dhinac ee goobahaas.

Wakiiladaan ayaa muujiyey sida ay uga go’antahay in la caawiyo dhammaan qeybaha ay quseyso arrintaan si loo raadiyo xeer-jajabyo, in laga shaqeeyo nabad waarta iyo deganaansho uu helo gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com