Robin Van Persie Oo Xalay Labo Cad Ka Dhigay Spain.

0

Brazil (AGGM):Waxay ahayd ciyaar aad u kulul, labada kooxba awood ayey isu sheegteen, Spain ayaa si dardar ah ku gashay garoonka waxayna weerar aad u culus ku qaadeen kooxda Netherlands, taasi waxay fursad u siisay inay helaan rigooro uu gool u badalay Xabi Alonso, daqiiqaddii 27′-aad.

Balse Spain gool kaasi si wanaagsan umeysan difaacan, waxayna xoojiyeen weerarka iyo qalqalka ay ku hayeen shabaqa Netherlands, taasi waxay fursad siisay in weerar celis degdeg ah ay u suurta gelisay inuu Robin van Persie uu gool aad u qurux badan uu ku dhaliyo madaxa, taas oo ciyaarta barbardhac ka dhigtay daqiiqaddii 44′-aad, qeybtii koobaad ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay bareejadaasi.

Markii la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee Ciyaarta, Spain waxaa loola soo baxay ciyaar aysan fileynin, waxaana si wanaagsan cagta isula helay xulka Netherlands, inkastoo Spain aysan dhankooda liidan, hadana waxaa waxaa gool kaga naxsaday Arjen Robben daqiiqaddii 53′-aad.

van per

Waxay rajadooda sii yaraatay markii Stefan de Vrijuu dhaliyay laat koorno ahaa daqiiqaddii 64′-aad, waxayna ahayd goolkii Seddaxaad, Spain waxay bilowday inay ugu yaraan goolasha iska soo guddo hase yeeshee taasi ma dhicin, waayo Robin van Persie, inta si wanaagsan ugu gembiyay difaaca Spain ayuu goolkii afaraad ee dilay rajadooda dhaliyay markii ay ciyaarta mareysay 72′ daqiiqo.

Arjen Robben,ayaana si rasmi ah ugu qubeeyay kooxda Spain, kadib markuu ka dhaliyay goolkii Shanaad. Ciyaarta ayaana ku dhammaatay Farxadda taageerayaasha Netherlands iyo raja beelka taageerayaasha Spain.

Labadan koox waxaa ka dhexeeyo xifaaltan iyo tartan aad u xoog bada. Koobkii aduunka ee ugu dambeeyay ee lagu qabtay dalka Koofur Afrika sanadkii 2010-kii waxay isugu yimaadeen ciyaartii ugu dambeysay, Spain ayaana ku guuleysatay koobka oo kabadisay Netherlands. waxayna dadka falanqeeyo ciyaaraha ay sheegayaan in guushan xittaa ay noqon karto aargudasho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com