Dhageyso:Nabadoon Axmed Diiriye “R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Walaahi Inuusan Dagaal Waxba Nooga Qaadi Karin, Waxaa U Roon Inuu Cadaaladda Usoo Laabto”.

0

Muqdisho (AGGM):Afhayeenka Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa wuxuu Ra’iisal Wasaaraha
Soomaaliya  C/weli Sheekh Axmed Maxamed, uu ku eedeeyay inaanu dhex dhexaad ka ahayn colaada ka taagan Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka, ayaa ku waramaaya in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu la saftay mid ka mid ah beelaha ku wada hardamaaya gacan ku haynta Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa wuxuu sidoo kale uu Ra’iisal Wasaaruhu uu ku eedeeyay in uu ka shaqeynaayo, sidii uu dhiig hor leh ugu quban lahaa Gobolka Shabeellaha Hoose, bedelkii uu xalkeedu raadin lahaa, sida uu yiri.

R/wasaaraha  beeshii uu isagu ka dhashay dhabar jabiyay, Walaahi warkiisa inaan cidna waxba ka soo qaadeen, dagaalan inuusan waxba nooga qaadi karin ee cadaaladda ha usoo laabto.

Dhinaca kale Nabadoon Axmed Diiriye, ayaa Ra’iisal Wasaare-yaashii kale ee Beesha Mareexaan ee soo maray Xukuumadihii hore, sida Farmaajo iyo Saacid, waxa uu ku ammaanay xubno u khalmay xilalkoodii, halka C/weli Sheekh uu ku dhaliilay in uu yeelaayo hadba sida uu doono islamarkaana meel loogu hagaagana uusan lahayn oo uu hurinayo dagaalo sokeeye oo Daarood iyo Hawiye iyo wax laga soo gudbay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com