Dhageyso:Laba Ruux Oo Rayid Ah Oo Lagu Dilay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM):Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay Dad Shacab ahaa.

Dadka Goob joogayaasha ah ayaa sheegaya in labo Qof siyaabo kala duwan xalay Xaafadaha Kismaayo Ugu dileen iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dableyda dilka geystay ay ka Tirsan Yihiin maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa waxa lasoo sheegayaa in baaritaano ay dilalkaasi kadib sameeyeen inkastoo dad ay soo qabteen aan la sheegin.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa ku fashilmay Sugida Nabad Gelyada Kismaayo Labo Sano uu halkaasi ku sugan yahay waxaana lagu Eedeynayaa in Dhiiga Shacabka uu daadintiisa ka wado halkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com