Dhageyso: Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo.

0

Gaalkacyo (AGGM):Laba askari oo ka tirsan booliska Puntland ayaa ku dhaawacantay qarax saaka ka dhacay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay Warbaahinta in qaraxu ahaa miino lagu aasay dhulka oo lugu weeraray gawaari ay saarnaayeen askar ka tirsan booliska Puntland.

Dhaawaca labada askari ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Gaalkacyo, waxayna sheegayaan wararku in midkood uu gaaray dhaawac halis ah.

Maamulka Gaalkacyo ee Puntland ayaanan wali ka hadlin qaraxan, lamana oga ilaa hadda cidda ka dambeysay weerarkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com