Xog Xasaasi Ah:Qorshaha Qarsoon Ee Itoobiya Ka Maagan Tahay Somaliland Iyo Ogadenia?

0

Xidhiidhka u dhaxeeya maalmulka Somaliland iyo Itoobiya oo lagu macneeyey in uu la mid yahay midka u dhaxeeya labo dal [Sovereignty Nations] oo leh xidhiidh wanaagsan.

Maamulka Somaliland, oo sheegtay in uu ka go,ay dalka Soomaaliya, ayaan wali wax aqoonsiya ka helin dunida, marka laga reebo Atobiya oo hoos u aqoonsan, laakiin aan wali soo bandhigin.

Itoobiya in ay kala goyso Soomaaliya waa ka go,aan, laakiin qadyada Ogadenia ayaa hortaal. Taas oo ah sababta ugu wayn ee ay u rabto kala goynta Soomaaliya, iyada oo filaysa in burburka Somaliya uu xalaalayn karo qadyada Ogaden.

Ogadenia sharciyan kama tirsana Itoobiya, xadka u dhaxeeya Soomaalida Ogadenia iyo Jamhuuriyada Soomaaliya waa xad ku meel gaadh ah [Professional Border]. Kaas oo la sameeyey sanadkii 1941, Itoobiya wali uma helin sharciyad lagu xalaaleeyo xadka.

Xukuumada xiligan ka arimisa Itoobiya, siyaasada ay ku wajahayso Soomaalida, way ka duwan tahay, ta dawladihii hore ee Itoobiya, kula dhaqmi jireen Soomaalida guud ahaan. Gobalka Ogaden, waxay Itoobiya siisay magaca gobalka Soomaalida, ujeedada ka dambaysana, waxaa lagu dhagrayaa Jamhuuriyada Soomaaliya.

Si ay dhagarta Soomaaliya u hirgasho, Itoobiya waxay isticmaalaysaa dad Soomaali ah oo isugu jira kuwa ay gumaysato iyo Soomaalida xorta ah.

Sida laga helay diiwaanka arimaha dibada dalka Itoobiya, xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya wuxuu bilowday sanadkii 2000, ka dib kolkii Maxamed Xaashi Cigaal booqday Addis Ababa, oo dib loo cusboonaysiiyey axdi hore ugu yiil dawladii Dergue iyo SNM.

Berhanu-BayehDukuminti uu saxiixay wasiirkii arimaha dibada ee Dergue Colonel Berhanu Bayeh, oo laga helay galka kaydka arimaha dibada Atobiya [Ministery Of Foreign Affairs], waxaa ku cad balanqaad Itoobiya ay siisay Somaliland, sidii ay uga go,i lahayd dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo dukumintiga ku cad in Ogaden, oo ayna ku jirin Jijiga iyo Hawday bixiso Atobiya hadii ay Soomaaliya ogolaato. Heshiisku wuxuu ka dhacay magaalada Dire Dawa July 1987.

Cigaal, wuxuu xoojiyey hadafka iyo heshiiska ay hore u wada galeen SNM iyo Dergue. Heeshiiska Somaliland iyo TPLF 2000, wuu ka gadisan yahay kii Dergue iyo SNM [Cabdiraxman Tuur] ku dhex maray 1987 Addis Ababa.

Waxaa ka mid ahaa in Somaliland ka qaybqaadato buburinta Somaliya, taas oo ah wadada ay u marayso go,ida.

Qodobka ugu muhiimsan wuxuu ahaa in Itoobiya noqoto dalka 2aad ee aqoonsada Somaliland madaxbanaanideeda.

Tuur-1Waxaa xusid mudan in heshiiska 1987, uu markii dambe Cabdiraxmaan Tuur [Raxima Laahu] ka qoomameeyey in uu la galo heshiis noocan ah Itoobiya.

Heshiiska qarsoon ee wada galeen Atobiya iyo maamulka Somaliland, Meles iyo Cigaal sanadkii 2000, waxaa ka mid ahaa;

In wakiilo ay isdhaafsadaan [Addis Ababa -Hargeasia]
In Itoobiya ay ilaaliso nabadgaliyada Somaliland
In tababar ay siiso ciidamada Somaliland,
In Somaliland laga caawiyo waxbarashada iyo ganacsiga.
In Itoobiya ay isticmaasho dekada Berbera iyo in sirdoonka Atobiya joogto u joogo.

Itoobiya, waxaa kale oo ay siisaa tababar diblomaasiyiinta iyo saraakiisha sir doonka Somaliland. Deeq waxbarasho iyo in manhjaka [curriculum] Somaliland lagu daro luuqada Xabashiga, si loo kordhiyo isdhexgalka bulshada.

Dhinaca diblomaasiyada caalamiga ah, Atobiya waxay siisaa damaanad dhinaca diblomasiyiinta maamulka Somaliland. Waxayna ku dhoofi jireen siyaasiyiinta Somaliland, Atobiyan Diplomat Baasaboorka, ka hor inta ayna samaysan Baasaboorka.

Safaaradaha Itoobiya, waxay si dhaw ula shaqeeyaan wakiilada Somaliland. Itoobiya shuruud la,aan waxay warqada dal ku galka saartaa Baasaboorka Somaliland, ee aan dunida laga aqoonsanayn, iyada oo raacisa lifaaq wasaarada Arimaha dibada Itoobiya.

23 sano ka dib maamulka Somaliland, wuxuu Itoobiya ka haystaa aqoonsi gaar ah, laakiin ma jiro hal dal oo aqoonsaday.

Arintaasi waxay ku haysaa maamulka iyo shacabka Somaliland niyada jab, waxayna Itoobiya saareen culays cusub.

Walaacan cusub, waxaa keenay soo laabashada Somaliya iyo aduunka oo aan diyaar u ahayn go,ida Somaliland.

Maamulka Somaliland, bilihii sanadkan ugu horeeyey, wuxuu dalbanayay in Itoobiya ay siiso aqoonsi caalami ah, maadaama uu xidhiidh wayn iyo balanqaad u dhaxeeyey muddo dheer. Arintaas oo Itoobiya ay jeceshahay, laakiin ayna xiligan ku dhiiran karin.

Hadaba, codsiga Somaliland iyo wadahadalkii ugu dambeeyey ee si hoose u dhexmara Itoobiya-Somaliland wuxuu ka dhacay Harar Maarso (March) 2014. Itoobiya waxay soo bandhigtay cabashooyin iyo qorsheyaal cusub oo ay ka mid yihiin Ogaden iyo ONLF, culayska ka saaran Somaliya.

Waxaa kale oo ay Itoobiya ku cabatay in awood aan lagu talo galin oo ah ciidanka Liyuu Booliiska ay ku soo koradhay.

Qorshaha iyo talada cusub ee Itoobiya jeedisay; waxay ahayd in furin colaadeed oo cusub laga furo gobalka Bakool, Soomaaliya, ka dib kolka la galinayo ciidanka Liyuu Booliska.

Halkaas waxaa abuurmi furasad colaadeed oo u dhaxaysa beelaha Hawiye, Raxan-wayn iyo Ogaden.

Waxaa kale oo abuurmi siyaasad cakiran oo ka dhexdhalata siyaasiyiinta Soomaaliya, taas oo ilowsiin doonta siyaasiyiinta Soomaaliya aqoonsi ay Itoobiya siiso Somaliland.

Hindisahan waxaa soo keenay wakiilka dhinaca nabadgaliyada Itoobiya u qaabilsan Somaliya [Gabre]. Wakiilku wuxuu yidhi gobalka Bakool, wuxuu xad la leeyahay, gobalka Afdheer waxaana degan beesha Ogaden labada gobalba.

Maamulka Somaliland, waxaa uga qaybgalay fadhiga March Harar, ka dhacay Xirsi iyo Saleebaan-gaal. Maamulka Somaliland wuxuu ku qancay hindisaha cusub oo ah”gubadkaan gubidoono”, waxayna uga mahad celiyeen wanaaga ay Itoobiya u hayso Somaliland. Waxaa kale oo ay uga mahad celiyeen abaalka ay Itoobiya u gashay 1988, ee dejintii dadkii qaxootiga ahaa, kuwaas oo ay Jabouti diiday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com