Top News: FBI-da Mareykanka Oo Baareysa Soomaalida Ka Dagaallameysa Dalka Suuriya.

0

Minneapolis (AGGM): Hay’adda FBI ee dalka Mareykanka ayaa baaritaan ku sameyneysa rag asalkoodu yahay Soomaali oo ka barbar dagaallamaya mucaaradka Suuriya, kuwaas oo ka tagay magaalada Minneapolis oo ay ku badan tahay Soomaalida.

Afhayeenka xafiiska FBI ee magaalada Minneapolis, Kyle Loven ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay uu xafiisku helay warbixinno caddeynaya in 10 ilaa 15 nin ay ku biireen mucaaradka dalka Suuriya ee dagaalka kula jira madaxweyne Bishaar Al-Asad.

Afhayeenka ayaa xusay in ay FBI – aaminsan tahay in raggaas ay ku biireen koox ka dagaallanta Suuriya oo uusan magacaabin, sidaana waxaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waaxda Caddaaladda, hay’adda FBI iyo wakaaladda Sirdoonka Mareykanka ayaa dhowaan u xilsaaray kooxo gaar ah iyo xiriiriyeyaal la socda socdaallada noocan oo kale ah, waxaana laga cabsi qabaa in asal raacnimada lagula noqdo dalka Marey kanka oo laga fuliyo weerarro argagixiso.

FBI –da Maraykanka ayaa sanadkii 2007-dii kordhisay baaritaannada lagu sameynayo suurtagalnimada Soomaali ka tagtay Mareykanka oo ka barbar dagaallamay Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacidda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com