Dhageyso: Nabadoon Axmed Diiriye “Maamul Goboleedka Shabeelle State Haloo Daayo, Yaan Dowladda U Tagin”.

0

Muqdisho (AGGM);Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha Hawiye ayaa sheegay in Maleeshiyaadka la waregay Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay yihiin Ciidamada Maamulka Shabelle State.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in Ciidamadaasi ay yihiin kuwa Xaqiijinaya Amaanka Goobaha ay Qabsadeen sida uu sheegtay Axmed Diiriye.

Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Odayaasha BeeshaHawiye ayaa sidoo kale Sheegay in uu u la hadlayo Beesha Habar Gidir oo la sheego in Gobolka Shabellaha hoose ay ku soo Duushay islamarkaana aysan wax ka dagin,asgoona ugu Baaqay Beesha kale ee Biyomaal in ay ku soo Biiraan Maamulka Shabeelle State ama ay Raacaan Maamulka Koofur galbeed.

Ugu danbaynta Axmed Diiriye ayaa Difaacay Madaxwaynaha soomaliya, wuxuuna sidoo kale Eedeayn ujeediyey dadka Xasan sheekh ku eedeeyay inuu dagaalka wado shabeelada Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com