Xog: Maxaa Ka Jira In R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Xilal Muhiim Ah Uu U Magacaabay Laba Wiil Oo Uu Dhalay?

0

Muqdisho(AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu laba wiil oo uu dhalay u magacaabay xilal Lataliyeyaal ah.

Mas’uul ka tirsan dowladda oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media kana gaabsaday magaciisa xaalado amaan awgood ayaa waxa uu sheegay in R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku tagri falay xilkii uu ummada Soomaaliyeed u hayay ee R/wasaarenimo ka dib markii uu ku dhaqaaqay talaabo aan horey loogu arag R/wasaareyaashi ka horeeyay isaga.

R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu magacaabay Saadaq Cabdiweli Sheekh Axmed in uu noqdo Lataliyaha Dhanka Maaliyada ee Wasaarada Maaliyada.

Waxaa sidoo kale R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu wiilkiisa Sharmaake Cabdiweli Sheekh Axmed uu u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Wasiirka Wasaarada Gaadiidka.

Labadan Wiil ee uu dhalay R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Mas’uulka waxuu da’adooda ku kala sheegay Saadaq Cabdiweli Sheekh Axmed inuu jiro 22 sano halka Sharmaake Cabdiweli Sheekh Axmed uu yahay 24 jir.

Mas’uulkan ka tirsan dowaldda ayaa waxa uu intaasi raaciyay in ummada Soomaaliyeed aysan arag abid taariikhdana soo marin R/wasaare la mid ah R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu isku darsaday Indho Adeeg, Nin Jecleeysi Iyo Waayo Aragnimo Xumo. waa sida uu hadalka Mas’uulkan u dhigay.

Isku soo wada duuboo warkan aan ka soo xiganay Mas’uulkan ka tirsan dowaldda Soomaaliya ayaa hadduu soo shaac baxo waxa uu dhabarjab Weyn ku yahay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka Horumarka iyo Cadaalada dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com