Top News: Maamulka Ximan iyo Xeeb Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Galgaduud.

0

Mudisho (AGGM):Maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay in la joojiyo dagaal beeleed saakay ka billowday deegaanno ku yaalla dhulka miyiga ah ee hoos taga degmada Guriceel iyo deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Careys Maxamed Xaaji ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ay maamul ahaan ka xun yihiin dagaallada ka dhacaya deegaanno ku yaalla gobollada dhexe.

Afhayeenka ayaa xusay in aan dagaallada laga dhaxleyn wax aan khasaaro ahayn, wuxuuna kula taliyay beelaha deegaanka in ay ka shaqeeyaan nabadda.

Shacabka gobollada dhexe ayuu u soo jeediyay in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada.

Ku dhowaad 25 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleedyo saakay ka billowday deegaanno ku yaalla dhulka miyiga ah ee hoos taga Guriceel iyo Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com