Top News: Hay’adda Culimada Somaaliyeed Oo Ku Talisay In Si Deg Deg Ah Loo Joojiyo Dagaalo Beeleedka Ka Socda Gobolada Shabeellaha Hoose Iyo Galguduud.

0

Muqdisho (AGGM):Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah gudoomiye ku xigeenka hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa fariin nabadeed u diray beelaha ku dagaalamay deegaanno ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Sh/Hoose, isagoo ka digay cawaaqib xumida ka dhalata dagaallada.

Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan wuxuu ka hadlay cuquubada ka dhalan karta qof muslim ah oo xaq darro loo dilo, wuxuuna soo daliiliyay Aayado Qur’aan iyo Axaadiis ka hadlaysa sida ay diinta Islaamka u mamnuucday dilka qof an waxba galabsan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku boorriyay waxgaradka gobollada iyo mas’uuliyiinta dowladda iney u istaagaan deminta colaadaasi, isagoo tilmaamay inaan loo baahneyn xilligan islamarkaana uu cadowga argagixisadu ka faa’iideysanayo dagaalka dadka walaalaha ah.

Dhanka kale Sheekha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in 24 sano kadib xilligan ay soo cusboonaadaan dagaal beeleedyo sababa dib u dhac, halki ay aheyd in la tiigsado horumar, midnimo iyo walaashiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com