Top News: Hareeri Xasan Barre “Waan Ku Guuleesanay In Aan Kala Qaadno Maleeshiyaadki Dirirayay”.

0

Balanballe(AGGM):Waxaa saaka degan xaalada deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud oo shalay ay ka dhaceen dagaalo culus oo udhaxeeya labo Beelood oo walaalaha ah oo halkaasi wada daga.

Hareeri Xasan Barre oo ah Guddoomiyaha Degmada Balanbal oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in xaalada Deeganadii lagu dagaalamay ay tahay mid degan oo hada aysan jirin dhibaato ka taagan.

Wuxuu sheegay in maleeshiyo beeleedkii dagaalamay lakala qaaday oo ay ku baxeen Odayaasha Deegaanka iyo Maamulada Gobalka Galgaduud, laguna guuleystay in lakala qaado beelahaasi.

Dagaalka, ayaa shalay wuxuu ka bilowday Deegaanka Baaga, wuxuuna ku fiday Deegaanada Garas-gaabta iyo Shilinta, oo dhamaantood kawada tirsan Gobalka Galgaduud una dhaxeeya Degmooyinka Guriceel iyo Balanbal ee Gobalkaasi Galgaduud.

Dagaalkii shalay waxaa ku dhintay dad gaaraya 12-ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay, waxaana la sheegay asalka dagaalka inuu ka biloowday nin reer miyi ah oo la dilay.

Deegaano kamid ah Soomaaliya ayaa hada waxaa dib uga biloowday dagaal beeleedyadii dalka Soomaaliya horay ay usoo martay, xilli dalka ay ka jirto Dowlad aan KMG aheyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com