Maqaal: Waa Yaabee Geeloow Adiguna Ma Magaalada Muqdisho Ayaad Soo Gashay ?!!!W/Q. Ustaad Aadan Macalim Aadaamo.

0

“Geeloow Gulaalow Gambalalax, Gaalaa soo socotee ka Ganbo” waa hadaaq inta badan ka soo yeera ciyaalka magaalada Muqdisho ku dhaqan gaar ahaan marka ay arkaan neef ama ka badan oo Geel ah oo magaalada dhex mushaaxaya amaba daaqaya.

Waa maalin maalmaha ka mid ah, sawaxankaas ayaa dhegahayga soo gaaray, durbaba waan dareemay waxa Ciyaalka ay la qaylinayaan, waxaanan soo jaleecay halkii sanqadha ilmuhu ka baxaysey mise tiro Geel ah oo qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho dhex socda, socod keliya ma ahee daaqaya dhirta waa weeyn oo guryaha hortooda ka baxda dadkuna harsadaan iyagoo xanaano gaar ah ku bixiya.

Geela dhirta daaqaya waxaa ka yareynaya dhirta Dadkii Guryaha lahaa iyagoona is weeydiinaya su’aasha ah ma weligeen baan aragnay geel magaalo dhax daaqaya, waxaaba ka soo dhow inuu inta guryaha soo galo waa Geelee uu raashiinka naga cuno.

Indhawaalaba iguma cusbeyn Geel magaalada dhex daaqaya, tan baase igu dhalisey inaan qalinka iyo xaashida u qaato waxna aan ka iraahdo, maxaa yeelay Muqdisha iyo manta dhaqan walbood ku aragto waxba la yaab ah ma laha waayo dhaqankii lagu yiqii Muqdisho beri hore ayuu is bedelay.

Geela Magaalada soo galay ayaan marka hore su’aal weeydiiyay taaso ah Cinwaanka maqaalka oo ah weeydiinteyda Geelow adiguna ma magaaladaad soo gashay, dabacan jawaabta uu I siiyay ayaaba noqotay mid aan garaystay waayo wuxuu igu yiri “Magaalo Cid kasta ay soo gashay maxaa aniga ii diidaya, Libaax ayaa magaalada Muqdisho soo galay, Dhurwaabaa ka ciya habeenada qaar, sagaaradana iska daa oo meelaha laga guuray bay deggan tahay”.

Runtii jawaabta uu Geelu isiiyay ayaa noqotay mid aan dib u tix raaco dhaamanttodana waxy iila muuqdeen wax sax ah, maxaa yeelay Muqdisho anigaaba ku arkay Libaax iyo Waraabe meel uu Libaax joogo ama Waraabana hadde sagaaro iyo habar dugaag oo kale in laga helayo shaki kuma jiro arrimahaas oo dhanna waxa ay muujinayaan is bedelka Muqdisho kku dhacay iyo in ay jiraan dad magaalada soo galay oo wax badan aan ka aqoon Taariikhdeeda Il Baxnimadeeda iyo sharafta ay Muqdisho huwan tahay.
gee coco

Dadka Reer Banaadiriga ah reer Banaadiriga marka aan leeyahay ulama jeedo dad gaar ah waxaanse ula jeedaa Dadkii waayo waayo Muqdisho joogi jiray waxay ahaayeen Dad Il Bax ah oo magaca loo yaqaano uu ahaa “Bayzani” oo loola jeedo waa dad Il bax ah, aqoon leh, xishood badan. Qiimeeya dadka, nabadda jecel, Ixsaan badan, dul qaad badan, dadka jecel. Ku xeel dheer marti gelinta iyo isu gar gaaridda, xuma aan aqoon, horumarka jecel, waddaniyaddu u dheer tahay is gacan qabashada iyo walaalnimada jecel, deriska dhowra, maatada u maciina, war wax walba oo wanaag ah dadkaasi wey lahaayeen.

Muqdisha manta cid walba way soo gashay isu qabayaal aan loo qabin, wax ma hubsadayaal, ma naxayaal, wax ma garad, dul qaad yer, xishood aan aqoon, il baxnimadoodu yartahay, waddaniyadda warkeeda daa, Ixtiraam aan lahayn, deriska albaabka ka soo oodnaya, maciin laawayaal iyo wax walba oo xumi ah in kastoo aan loo sinayna amaba aan la wada wadaagin.

Geeloow adiguna ma Magaalaad soo gashay haddaan dhan kale u rogo, Muqdisho waddooyinkeeda qaar ka mid ah ayaa la dayac tiray oo waliba Leeyrar lagu xiray, maalmihii dhismaha lagu hayay dad baa haaraamayay Kanbanigii shaqada hayay oo lahaa, Jidkii bay nagu ciriiryeen, maxa laga dhisayaa wadadan hadday baaba’aysaaye, maa sideedii loo daayo maxan ku sheegnaa qoloda sidaa ku fikireysa ma leeyihiin dareen waddaniyeed oo ku xanbaaraya in dalkan dib loo dhiso oo Muqdisho Muqdishadeedii hore ay ku soo laabato dabacan jawaabta akhristaaysha ayaan u deynayaa.
geel

Intaas waxaa ka sii daran waa marka aan leeyahay Damiir laawayaal waddooyinkii dhawaanta la dayac tiray mid ka mid ah ayaan ku arkay Bac madow oo lafo, iyo wax kale oo aanan sheegi Karin inta laga soo buuxiyay bartamaha wadada la dhigay gaadiidkuna ay ka kala wareegsanayaan ruux sidaa u dhaqmaya aqoon miyaan ku sifeyn karnaa inuu leeyahay, waa il bax ma oran karnaa, dabacan jawaabtu waxay u noqonaysaa Geelii isagaba magaalada soo galay, waxaas egeelaas ku fiicneed in loo indha kuulo, maxaa yeelay Soomaalida waa tan tiraahda Geel Maxaas Kuul ka ogyahay Kurtumadiisuu ku rug rugtaayee.

Waddooyinka Laamiga oo keliya ma aha, dad baa jira oo inta aqladooda wiii xun ka soo fogeeyaan Muska u dhiga dad kale arrimahaas oo dhan ayaa waxaa keenay baan dhihi lahaa dadka magaalada Muqdisho iska soo galay balse aan aqoonta u lahayn dhinaca quruxda mar in Muqdisha magaalooyinka Afrika kaalinta koowaad inay ka gashay walleese manta ma aha.

Geeloow adiguna ma magaaladaad soo gashay ugu dambayntii ujeedku Geela ma aha maxaa yeelay Geela waa Nimco uu Ilaaheey na siiyay Soomaaliduna dhaqashadiisa si weyn ugu dhaadato ee waxaan u jeedaa dadka dhaqanada xun xun magaalada ku dhax sameynaya ha xishoodeen taariikhda Muqdishana dib ha u raadsheen si ay uga tusaale qaataan il baxnimadii dadkeeda ay lahaayeen.

Ugu dambayntii waxaan qormadeyda ku soo gabagabaynayaa Muqdisho magic iyo maamuus bay naga mudan tahay waayo waa magaalo madaxdeena, waa muraayaddii dalkan, waa il baxnimadii Mandiqadda Geeska Afrika. Waa Astaantii Soomaaliya sidaa darted sidan ha loo dhaamo oo yaan mataalkiisa la noqon Geelow adiguna ma magaalad soo gashay.

W/Q. Ustaad Aadan Macalim Aadaamo.
Tel.0615511863
E-Mail.aadaamo2@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com