Dhageyso: Iskuulo Ku Yaal Britain Oo Xagjirnimo Lagu Eedeeyay.

0

London (AGGM):Dugisyo ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah oo ku yaal dalka UK, ayaa lagu eedeeyay ineey ardayda baraan Xagjirnimo.

Warbixin uu soo saaray Xafiiska kormeerka iyo dabagalka hanaanka waxbarashada Dugsiyada dalka Boqortooyada Britain ayaa ku eedaysay shan dugsi oo ku yaalla Birmingham ee dalka Britain inay ay ardayda baraan xagjirnimada.

Warbixintan ayaa baqdin iyo walaac xoogan durbaba ku abuurtay dadka Muslimiinta ah ee dalkaas ku dhaqan.

Golaha Muslimiinta dalka UK, ayaa sheegay in Warbixintan looga gol leeyahay, in lagu xumeeyo dadka Muslimiinta ah ee dalkas ku nool.

Mukhtaar Sheekh Cismaan oo ah Madaxa Akaadiimiyada Iqra ee magaalada London ayaa VOAda uga warrmay saamaynta ay arrintan yeelan karto, isla markaana tilmaamay in arrintani ay tahay mid lagu xumaynayo dadka Muslimiinta ah, waxa kale oo uu xusay in warbixintan ay ku lug leeyihiin dad tira yar oo aan jeclayn wada noolaanshaha bulshada ku nool Britain.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com