Daawo:Dr. Axmed Faarax Ducaale Oo Wareeysi Siiyay Somali Chanel TV Isagoo Ku Sugan Shirka Sweden.

0

Stockholm (AGGM):Dr. Axmed Faarax Ducaale oo Somalichannel TV kula hadlay goobta uu shirku ka socdo ayaa waxaa uu sheegay isaga oo ka duulacaya aqoontiisa dhaqaalaha in dalalka Yurub wax badan ay la qaban karaan Soomaaliya, waxaase uu sheegay in lala yimaado waji ka duwan wixii horey loogu yaqaanay Soomaalida.

Danjiraha dowlada Swedan u fadhiya Soomaaliya oo isna dhankiisa ka hadlay shirkan ayaa waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya ka jiraan fursado badan oo dhaqaale lagu sameyn karo islamarkaana ay barbar socdaan fursado dunida horumartay oo uu dalka Swedan ku jiro ay wax kula qaban karaan shacabka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com