Fadeexad Akhriso: Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) Iyo Lacagta Ugu Soo Dhacday Ama Uu Kala Baxay Koontadiisa Xawaalada Dahabshiil.

0

Muqdisho (AGGM):Warbaahinta Allgalgaduud Media waxay idiin soo bandhigaysaa dhaqaalaha soo gala Taliyaha Nabadsugidda Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)

Dukumentigan aan maanta idiin soo bandhigayno waxa uu quseeyaa dhaqdhaqaaqa Koontada Taliyaha Nabadsugida uu ku leeyahay Xawaalada Dahabshiil, waxaana ku qeexan lacagihii kusoo dhacay iyo lacagihi ka baxay koontada.

Koontada Taliyaha Nabadsugidda Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaa kusoo dhacday lacag dhan $ 4,906,077 (Afart Milyan, Sagaal Boqol iyo Lix Kun, iyo toddobaatan iyo toddoba Doolar).

Lacagtan badankeed waxaa loo wareejiyay Koontooyin Bangiyo kale.

Lacaga ugu badan ayaa waxaa lagu shubay koonto ka furan Bangiga lagu magacaabo (Falcon Swiss PB) lacagtaas oo dhan $ 3,129,000 (Sadex Milyan Boqol Labaatan Iyo Sagaal Kun oo Doolar).

Lacagta hadda ku harsan koontada Gen. Bashiir Maxamed Jaamac waa $ 1,777,077 (Hal Milyan Toddoba Boqol Toddobaatan Toddoba Kun iyo Toddobaatan iyo Toddoba Doolar).

Halkaan Hoose Ka Akhriso Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) Iyo Lacagta Ugu Soo Dhacday Ama Uu Kala Baxay Koontadiisa Xawaalada Dahabshiil 30-kii Maalmood Ee La Soo Dhaafay.

001 002

Fiiro Gaar ah waxaa jirta iyana in lacag dhan $ 200,000 (Laba Boqol Oo Kun Oo Doolar) oo lagu shubay Bangiga Salaama.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com