Dhageyso: Maxamed Cabdi Umal “15 Jirka Janaduu Arkay Maxaa U Diiday Inuu Arko 40-tan Jirka, Maxay Tahay Janada Jaahilka U Muuqatay Ee Caalimku Arki Waayay?

0

Garoowe (AGGM): Maxamed Cabdi Umal oo boqolaal Shacab ah isagoo kula hadlayey Masjidka AL HUDA ee ku yaalla Magaalada Garowe waxa uu ka hadlay Is qarxinta laga fuliyo Soomaaliya.

Umal ayaa si qoto dheer waxa uu uga hadlay arintaasi uu ku sheegay inay tahay Dambi in qofka uu naftiisa gooyaa.

Sidoo kale Umal ayaa sheegay in mar walbo Al Shabaab ay u adeegsadaan falalka is qarxinta ah Dhalinyarada ay maanka ka xadaan isagoo Odayaasha Afartanka ka weyn uu sheegay hadii la yiraahdo is qarxi ay naftooda xisaabtameyso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com