Top News: Midowga Afrika Oo Ka Walaacsan Dagaalada Ka Socda Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Muqdisho 09 ka June 2014: Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa muujiyay walaaciisa dagaalada ka sii dhex socdo dhinacyada ku dagaalamayo gobalka Shabelle Hoose wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaas inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka.

“Waxaan ku baaqayaa degenaansho iyo dib u heshiisiin. Xaalada laguma xalin karo gacan ka hadal. Hinacyada oo dhan waa inay ka joogsaaan falalka gacan ka hadalka ah, sameeyaana dadaalo toos ah oo ay uga gudbayaan xaaladaas kuna xaliyaan farqiga u dhexeeyo wada hadal nabadeed iyo xal meel dhexaad ah,” ayuu yiri Ambassador Annadif oo ku daray dagaal wuxuu u adeegayaa wax fool xumeynta iyo hor istaaga geedi socodka guulihii laga gaaray xasilinta Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan inay dadka rayidka ah bilaabeen inay ka qaxaan magaalada iyo dhulka ku hareereysan, cabsi ay ka qabaan inuu dagaalka dhib ka soo gaaro ayadoo ay wax ka badan 250 ruux gudaha ku barakeceen.

Bara kacayaashu hada waxay magan gelyo u galeen xarumaaha AMISOM ee Ceel Jaale iyo Marka.

Ambassador Annadif wuxuu ku cel celiyay balan qaadka AMISOM ee ah inay la shaqeyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogageeda nabad gelyada sidii loo xasilin lahaa amaana looga dhigi lahaa Soomaaliya.

“AMISOM oo la tashaneyso bulshada caalamka waxay u joogtaa inay ku taakuleyso dhamaan dhinacyada sidii loo heli lahaa is fahan buuxo taasoo qeyb ka ah dadaaladeeda ay sare ugu qaadeyso nabada, amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu ku soo dhameeyay hadalkiisii.

Dhamaad

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com