Warbixin:Dowladda Soomaaliya oo sidii maamul goboleed ahaan uga soo qeyb galaysa shir ka dhacaya Dalka Sweden 10ka bisha Juun.

0

Stockholm, Sweden (AGGM): Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ka dhacaya maalinta talaadada ee bisha juun ay tahay 10ka shir looga hadlaayo arimaha ganacsiga ee dalka Soomaaliya oo loo soo abaabulay mashruuc ahaan isla markaana looga cunaayo dowladda Sweden lacag aad u fara badan.

Shirkaan oo shir loogu talagalay arimaha ganacsiga ayaa waxaa abaabushay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Swiidhan iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya loogu casumay shirka sidii maamul goboleed ka mid ah maamulgoboleedyada ka jira dalka Soomaaliya.

Todobada xubnood ee martida rasmiga ayaa dowladda Swiidhan waxaa ay u qeybisay sida soo socota:

1- Dowladda federaalka Soomaaliya 2 xubnood

2- Somaliland 2 xbnood

3- Puntland 2 xubnood

4- Maamulka Kmg ee Jubba hal xubin.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo iyadu noqotey maamul Goboleed qof walba uu ku fushado dantiisa gaarka ah marka uu doono ayaa shirka usoo dirtey wasiirka qorsheynta Soomaaliya Siciid Deni kadib markii qaab qabyaaladeysan loogu diidey shirka inuu uga soo qeyb galo wasiirka ganacsiga Aadan Saransoor oo isagu xaq u lahaa inuu shirka kasoo qeyb galo hadiiba dowladda federaalka ay kasoo qeyb galeyso shirka iyadoo ku imaaneyso sidii maamul goboleed ka jira caasimadda Soomaaliya iyo goboladda ku dhow dhow.

Waxaa sidoo kale shirkan si qaab qabiil ahaan looga saarey maamulka Gal-Mudug oo ka mid ah maamulada ka jira dalka Soomaaliya isla markaana ka mid ahaa maamuladii gundhiga u ahaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ahaana saxiixayaashii dastuurka Kmg ee federaalka ah

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaya in wasaarada arimaha dibadda laga dhaadhacsiiyey inuusan jirin wax maamul goboleed oo la yiraahdo Galmudug sidaa darteedna dowladda Sweden aysan wax barnaamij horumarineed aysan ugu tala galin maamulka Gal-mudug iyo degaanada hoos taga taasoo ay meel marisay dowladda Sweden

Arinta inaan shirka lagu casumin Gal-mudug ayay waxaa ay ka careysiiyey xubno badan oo ka mid ah jaaliyadda Gal-mudug iyaga oo qabanqaabinaaya mudarahaad xoog badan oo ka dhici doona goobta shirka lagu qabanaayo maalinta talaada ah ee 10ka bisha juun oo ah xarunta ganacsiga ee dalka Sweden(WORLD TRADE CENTER) ee magaalada Stockholm oo ku taal bartamaha magaalada Stockholm.

Dhanka kale Waxaa shirkaan qeylo dhaan aad u weyn ka keenay jaaliyadda Soomaaliland ee dalka Sweden iyagoo u arkey in Somaliland ay ku tahay meel ka dhac weyn inay ka qayb gasho shirkaan iyada oo uga qayb galeyso in ay tahay maamul goboleed ka mid ah maamul goboleedyada ku mideysan jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale jaaliyadda Soomaalida dalka Swiidhan ayaa la yaaban sida dowladda Swiidhan ay u bah dishay dowladda federaalka Soomaaliya kadib markii sidii maamul goboleed ay u casuntey dowladda federaalka ee Soomaaliya oo isla markaana ay dowladda federaalka Soomaaliya ay iska ogolaatey madaxda hor boodeyso dowladda federaalka Soomaaliya waqtigaan xaadirka ay noqdeen kuwa aan xambaari karin magaca iyo hab maamuska dowladnimadda Soomaaliyeed sharafteeda hadafkooduna uu yahay meeshii maalintaa ka bishahay qadada aada maxaa idinka galay Soomaaliya iyo sharafteeda iyo karaamadeeda.

Warbixintaan Waxaa soo diyaariyey wariyaha madax banaan

Maxamed Xaaji Aadan

Email: mohamedsomali@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com