Xog:Dagaalada Sokeeye oo ka Socda Soomaaliya Yaa ka masuul ah? Xafiiska UNSOM Somalia ee Mr Nicholas Kay iyo Nuradin majaraha u hayaan qeybta ay ku leeyihiin. cadeymo badan..

0

Muqdisho (AGGM): UNSOM (Higsi cusub ee 2016-ka mise Hagardaamada cusub ee ilaa 2016-da), Xafiiska UNSOM oo uu hogaamiyo Nicholas Kay, uuna Lataliye u yahay siyaasiga kasoo jeeda Puntland ee Nuradin Aden Diriye wuxuu si muuqata ugu lug leeyahay Degenaansho la’aanta iyo dagaalada Sokeeye ee ka jira Soomaaliya, Inkastoo UNSOM Somalia Xafiisyo ku leedahay Garoowe, Hargeysa iyo Kismaayo ayaa xulashada ah in Xafiiska Muqdisho uu la taliye ka noqdo Siyaasiga ka soo jeeda Puntland ee Nuuradiin ayaa ah mid xanbaarsan ujeedooyin fog. Arrimaha cad cad ee dib u dhaca ku ah qaranimada Soomaaliya ee uu ka shaqeynayo xafiiska UNSOM Somalia oo ay majaraha u hayaan Mr Nicholas Kay iyo la taliyihiisa gaarka ah Mr Nuradin Adan Diriye waxaa ka mid ah:-

1- Mr Nicholas Kay, Madaxa Xafiiska UNSOM isaga oo baalmaraya sharcigii Baarlamaanku ansixiyey ee ahaa sida ay ku samaysmayayaan Maamulada kamid noqonaya Federaalka Soomaaliya wuxuu sameeyay wax loogu yeero Higsiga cusub (Hagardaamada cusub) ee 2016, Barnaamijka Higsiga Cusub ee 2016 –da ayaa cinwaan wanaagsan oo shacabka soomaaliya iyo kan caalamka-ba lagu qaldayo looga dhigay “ Doorasho Dalka Soomaaliye Ka dhacdo 2016” iyada oo wadada lagu socdo aysan muujineyn qaabkii lagu gaari lahaa sidii dalka Doorasho uga dhici lahayd. In Doorasho Dalka ka dhacdo ayaa imaan karta.

A- Doorasho waxay dhici kartaa Marka dalka Soomaaliya amnigiisa iyo Maamulkiisa guud uu gacanta ugu jira DF Soomaaliya, sida aan hadda ognahayna Maamulada loogu yeero Dawladaha (Somaliland, Puntland, MKG ah ee Juba) ee uu Nicholas Kay dhiirigelinayo ma jirto wax quseeya amniga oo ay la wadaagaan DF soomaaliya ama u hoos yimaadaan, sida Ciidanka Milateriga, Booliiska, Nabadsugida, Asluubta iwm, sidoo Kale maamul ahaan ma hoostagaan DF Soomaaliya,

B- Doorasho waxay dhici kartaa Marka Dalka Soomaaliya uu hal Dastuur oo ay ku mideysan yihiin leeyihiin, Sida aan hadda aragno oo uu nagu hayo Xafiiska UNSOM Soomaaliya waxa loogu yeero Dawladaha oo kamid noqonaya DF Soomaaliya ma quseynayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, Dawladaha kala ah Somaliland, Puntland, MKG ah ee Juba dhamaan waxay leeyihiin Dastuur u gaar ah.

C- Doorasho waxay dhici kartaa Marka Dalka Soomaaliya Axsaabtiisa iyo Sharciga axsaabta mid yahay, sida aan hadda ognahay Somaliland, Puntland waxaa ay leeyihiin sharciyo axsaab u gaar ah, Baarlamaan, Xukuumad u gaar ah, Cadaalad u gaar ah, MKG ah ee Juba-na uun wadadaa ayuu ku socdaa, Ma garan karo dal laga dhigayo dawlado wax ka dhaxeeyaa aysan jirin sida amni, dastuur, Axsaab, Cadaalad iyo wax kasta oo uu dal federal ah ka mideysnaan jiray sida loo dhihi karo 2016 waxaa dhacaysa Doorasho hal cod hal qof.

D- Doorasho waxaa ay dhici kartaa Marka Dalka Soomaaliya mideysan yahay, la tirakoobo, aqoonsi soomaalinimo dadku qaataan, diiwaan gelin dadka codeynayo loo sameeyo, Hadda sida aan aragno oo uu nagu hagayo Nicholas Kay ayaa ah mid kasoo horjeeda in sidaa la gaaro, iyadoo dalka la doonayo dawlado ku salaysan qabiil oo aan wax xiriir ah la laheyn dalka Soomaaliyana aysan jirin, DF Soomaaliyana uun laga doonayo inay sharciyeyso burburka qaranimada Soomaaliya, aqristow ogow in Dawladaha ay sharciyeynayso DF Soomaaliya aysan tegi Karin markii ay aqoonsato ka bacdi hadii maamulkaasi uusan isagu casuumin.

2- Mr Nicholas Kay iyo Xafiiskiisa gumeysiga cusub ee Soomaaliya ee UNSOM wuxuu ahaa maskaxdii ka danbeysay in DF Soomaaliya aqoonsato Maamulka KG ah ee Juba, heshiiskii Maamulkaa ku aqoonsatay Dawladda ayaan weli la horkeenin Baarlamaanka, Mooshin ku saabsan heshiiskaa oo xubno Baarlamaanka ahi horgeeyaan Gudoonka Baarlamaanka ayaa hoos la iska dhigay. xiligii aqoonsiga MKG ah ee Juba ayaa lagu soo aadiyey xili la qaban rabay shirkii NEW DEAL-ka Soomaaliya, xiligaas oo madaxweynaha iyo xukuumada loo sheegay haddii uusan heshiis la gelin Jubaland inaan caalamku siin doonin wax Taageero ah, Taageeradii maaliyadeed ee shirkaa Soomaaliya loogu deeqay oo ka badneyd 2-da Bilyan ee Doolar ayaan soo gaarin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, lacagtaa hadiiba ay bixiyaan wadamada ku yaboohay ayaa mari doonta Balaayiinta Doolar ee sanad kasta uu Caalamku sheegi jiray inuu siiyo Soomaaliya, balse shacabka Soomaaliyeed uusan arkin waxqabadka lacagtaas.

3- Higsiga Cusub (Hagardaamada cusub) ee 2016-da lama horgeyn Baarlamaanka, Dadka Soomaaliya looma soo bandhigin, inkasta oo Madaxweynaha, Raisul wasaaraha iyo Xubno kamid ah Xukuumada ku dhawaaqaan iney hergelinayaan. Higsiga Cusub ee uu gadaal ka riixayo Xafiiska UNSOM Soomaaliya ayaa qabaa’ilada qaar siinaya iney labo cod yeeshaan, sida Maamulada Puntland iyo MKG ah ee Juba, Maamuladaa oo Dawladda Federaalku kala tashanayso dib u dhaca qorsheysan ee dalka iyo Dadka Soomaaliya, qabaailka Maamuladaa waa kamid Baarlamaanka iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya haddana si gaar ah ayaa iyaga loogala tashanayaa. Qorshihii Road-Mab-ka Maamulkii Galmudug iyo ASWJ oo qeyb ka ahaa ayaa haatan laga reebay qorshaha higsiga cusub, Road Mab-kii ayaa ahaa mid dadka Soomaaliyeed loo xayeysiiyey ayna filayeen inay qaranimo ku gaareen balse shacabka Soomaaliya waxaa haatan u cadaatay in KMG-nimadii iyo ka bixitaankaba aan waxba iska bedelin sida caalamku ula macaamilo Soomaaliya, DF Soomaaliya ma metesho hadda iyo horeyba Puntland iyo Somaliland, ka bixitaankii KMG-nimada Soomaaliya wuxuu soo kordhiyey in MKG juba aysan metelin Dawlada Federaalka Soomaaliya!

4- Higsiga cusub (Hagardaamada cusub) ee 2016-da oo UNSOM Soomaaliya wadato waxyaalaha ku qoran waxaa kamid ah in sanadkaan dhamaadkiisa 2014-ta dalka laga hirgeliyo Dawlado qabiil oo kamid noqda waxa loogu yeero Dawladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo qorshahani yahay in dalka iyo dadka soomaaliya lasii kala qeybiyo, cadaawad iyo dagaalo loo abuuro, sida haatan ka taagan Jubooyinka, Shabeelooyinka iyo gobolada kaleba. Qorshahaan ayaa ah waxa abuuray dagaalada sokeeye ee qabaailka Soomaaliya sida Kismaayo, Beledxaawo, Marko iyo Dagaalo la filayo inay abuuri doonaan Dawladaha Koofur Galbeed ee 6-da iyo mida 3-da Gobol.

5- Qorshaha Nicholas Kay iyo UNSOM Soomaaliya ayaa ah in Soomaaliya dhisan Ciidan, Caalamkuna ku taageerin inay ciidan dhistaan, taas cagsigeedana la taageero hawlgalka AMISOM, sidoo kale Nicholas Kay xafiisyada UN-ka ciidankii ilaalin lahaa inay Soomaali noqdaan wuxuu ka door biday inuu ka keensado Uganda, Taasoo muujinaysa inuusan aaminsanayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

6- Nicholas Kay iyo xafiiskiisa UNSOM Soomaaliya oo og inaan Soomaliya Doorasho ka dhaceynin 2016-ka sida uu qorshaha soomaaliya ku wado ayaa sii diyaarsaday wuxuu sheegi lahaa marka lagaaro xiligaa ama lagu dhow yahay isaga oo dhihi doona “Khilaafka Madaxdweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka ayaa caqabad ku noqday sidii loo gaari lahaa in dalka Doorasho ka dhacdo sanadka 2016-da”.

Isku soo wada duube wadada soomaaliya ku socota ayaan aheyn mid soomaaliya ku gaareyso sanadka 2016-da doorasho dadku codeeyaan, Masuuliyiinta Dawladda Federaalka ayaa laga doonayaa inay shacabka Soomaaliya usoo bandhigaan qorshahaan shirqoolka ah ee lagu sheegay Higsiga Cusub ee 2016-ka si ay dadka Soomaaliya uga dhaadhiciyaan sida Doorasho lagu gaarayo 2016-ka iyada oo aan ognahay meelihii Shabaabka laga saaray ka bilaawdeen dagaalo sokeeye oo qorshahaani xanbaarsan yahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com