Dhageyso: Gudoomka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Digniin U Diray Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Wasiirada Ah.

0

Muqdisho (AGGM):Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa uu Digniin u diray Qaar ka mid ah Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana Xukumadda wasiiro ka ah.

Gudoonka Baarlamaanka kulanka maanta oo ahaa Gudoomiyaha Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Inta badan Wasiirada Xildhibanadaa aysan imaan fadhiyada Baarlamanaka.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa uu amaray in ay soo Xaadiraan Kulamada Baarlamaanka Maadaama ay Guno ku qaadaan Xubinnimada Baarlamaanka oo aan loo dul qaadan doonin in ay Fadhiayada Baarlamaanka ka maqnaadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com