Dhageyso: Afhayeenka Laamaha Ammaanka Soomaaliya Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Soo Dhigeen Dad Lagu Tuhmayo Ka Tirsanaashaha Falaagada Al-shabaab.

0

Muqdisho (AGGM):Afhayeenka Laamaha Ammaanka Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa maanta ka warbixiyey Howlgallo Ciidamada Amaanka Dalka ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Qaasim Axmed Rooble oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka ay soo qabteen dad gaaray ilaa 119 Ruux,baaritaano ay Magaalada ka sameeyeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in Dadkaasi Baaritaano ka dib la siidaayey 100 kamid ah islamarkaana 19-kale oo la sheegay in ay Xariir laleeyihiin Shabaab Gacanta lagu hayo.

Isku soo wada duuboo Qaasim Axmed Rooble ayaa intaa ku daray in Howlaglka ka socoda Mmagaalada uu yahay mid sii socon doona ilaa la Xaqiijiyo Amaanka Dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com