Dagaal Beeleed Dib Uga Qarxay Deegaanka Ceel Wareegow Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Marka(AGGM):Wararka Iminka soo gaaraya Magaaladda Marka ayaa ku waramaya in goor dhaw uu dib uga qarxay dagaalki beryihii dambe ka soo cusboonaaday Gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka ayaa iminka ka soconaya Tuulada Ceel Wareegow oo gaabika ku heysa Degmada Number 50 oo ah deegaan Istiraatiji ah, Rasaasta ayaana laga maqlaya deegaanada ka ag dhaw goobta ay dirirtu ka socoto.

Saaka xaaladu way xasilooneed, Maamulka Gobolka Sh/Hoosene waxey balan qaadeen inay xabad joojin kala dhex dhigayaan beelaha dirirtu dhex mareyso, Balse wax walbe oo han ahaa ayaa isbedel kadib dagaalka iminka bilowday.

Gobolka Sh/Hoose ayaa beryihii dambe waxaa ka soconayay dagaalo u dhexeeya beelo walaalo ah oo diriri ka dhex taagneed ilaa iminkane ma jirto cid soo kala dhexgashey iyo ififaalo xal u raadin midnaba.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com