Top News: Maamulka Galmudug oo lagu wareejiyey ajaaniib lagu haystay Soomaaliya.

0

Gaalkacyo (AGGM):11 ajnabi oo kooxo Burcad badeed Soomaali ah ku haysteen xeebaha Soomaaliya, lana socday Markab lagu magacaabo MJ albeto oo horaantii bishii July ee sanadkii 2013da ku caariyey xeebta degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug, ayaa caawa si rasmi ah loogu wareejiayay maamulka Galmudug.

Wasiirka dekedaha iyo kalluumeysiga maamulka Galmudug Cabdiqaadir Cali Jaamac (Qalab Xoor) ayaa u xaqiijiyay Radio Bar-kulan in ajaanibtaas iyo markabka ay gacantooda ku jiraan, wuxuuna sheegay in ajaaniibta oo isugu jiray Iiraaniyiin, Filibiinees iyo muduwaadiin wadamo kale u kala dhashay ay ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamulka Galmudug.

Markabkani ayaa ka hor inta uusan ku soo caarin xeebaha Xarardheere, waxa ay kooxo burcad badeeda Soomaali ah ku heysteen xeebaha Soomaaliya, waxaana ilo wareedyo Warbaahinta u sheegeen in ajaaniibtaan looga soo furdaamiyey kooxihii haystay lacago aan badneyn.

Arrinkani ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay 3 qof oo u dhashay Kenya oo ay heysteen Kooxo burcad badeed lagu soo wareejiyay maamulka Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qayb-diid ayaa kal hore sheegay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono kooxaha burcad badeedka ee ku sugan deegaanada Maamulka Gal-mudug.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com