Dhageyso:Ciidamada AMISOM Oo Maanta Daawo U Qeybisay Boqolaal Qoys oo ku Nool Degmada Qoryooley.

0

Qoryooley (AGGM): Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM ayaa maanta Boqolaal Qoys oo ku nool Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose u Qeybiyey Daawo Ciidamadu ay ugu Deeqeen Dadkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey Cismaan Max’ed Buraale oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ilaa 500 oo Qoys ay ka Faa’ideysteen Deeqda Ciidamada AMISOM ay Qeybiyeen.

Waxaana sidoo kale uu sheegay in ay Ciidamada AMISOM ay Sameeyeen Baaritaano Bilaash ah islamarkaan loo sameenayey Dadka aan Dhaqaalaha haysan ee ku Nool Degmada Qoryooleey.

Degmada Qoryooleey ayaa waxaa ka taagan  Mudooyinkaan  Xaalad adag oo iskugu jirta Cuno yari iyo Caafimaad daro ,waxaana Daawooyinka maanta Qoysaskaas loo qeybiyey ay Noqoneysaa mid Wax un u tari karta.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com