Dhageyso: Horjooge Maxamed Siciid Atam Oo Isku Dhiibay Dowladda Soomaaliya

0

Muqdisho(AGGM): Horjooge Maxamed Saciid Atam oo ahaa horjoogihii falaagada Al-Shabaab u qaabilsanaa Buuraleyda Gal Gala ayaa isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu soo badhigay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Maxamed Saciid Atam oo saxaafadda kula hadlay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in uu gebi ahaanba isaga baxay ka mid ahaan shiyaha falaagada Al-Shabaab

“In muddo ah ayaan u dulqaadanayay horjoogaha falaagada Al-Shabaab ee Axmed Godane, laakiin maanta waan isaga tanaasulay sababo jira awgeed, waxa ay baneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, waxa ay baneysteen dhiigga Culimada ay isku qilafaan ka run sheegidda shareecada Islaamka, marka arrimahaasi ayaa ugu waa weyn, cafis ayaana dalbanayaa intii aan ka dagaalamay Buuraleyda Gal gala ” ayuu yiri Sheekh Maxamed Saciid Atam

HorjoogeMaxamed Saciid Atam ayaa ugu baaqay dhalinyarada ay qaldeen falaagada Al-Shabaab ayaa ku booriyay inay isaga soo tagaan kooxdaasi oo ay isu soo dhiibaan gacanta dowladda, si ay u helaan daryeel dhinacyo badan leh oo mustaqbalkooda wax u tara. waxuuna yiri

1-Waxaa dhalinyarada loo sheegay in loo dagaalamayo iskuxirka shareecada islaamka, dadkana waxbay ka xukumaan, haddana Axmed iyo shabakadiisu shareecada ma qabato umana hogaansamaan.

2-Waxey baneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah, sidaas darteed waxey ku laayaan suuqyada, jidadka ilaa masaajidka.

3-Waxey baneysteen dhiiga Culumada Muslimiinta iyo qof kast oo muhiim ah oo ay mas’alo isku khilaafaan, ilaa culumada ku dhex laayaan masaajida dhexdeeda.

4-Jihaadku waa Cibaado Allaah baa iska leh, waa wax laga doonaayo muslimiinta oo dhan, weliba iyagoo isku duuban.

5-Axmed Cabdi waxa uu ka dhigtay wax uu isaga iska leeyahay, sidaas daraadeed, waxuu amar ku bixiyey in la laayo, hubkana laga qaato cidii kale ee hub qaadata, waxeyna ka dhigaan mid ay dilaan, mid ay xiraan, mid ay duleeyaan iyo mid iskaga carara.

6-Xagga shacabka qaxa iyo rafaadka ay ku jiraan wax naxariis ah uma hayaan, waxeyna ku sameeyaan, cunaqabateyn dad maato ah oo muslimiin ah oo tabaaleysan.

7-Waxaan u sheegayaa dhalinyarada qofka shabaab ka tagay, ma aha qof islaanimada ka tagay, qofkii fikirkooda dhaliilana ma aha qof diinta islaamka wax ka sheegay. Maxaa yeelay, islaanimadu waa diin ee ma aha dad gaar ah fikirkood.

Dadka muslimiinta ah waa ay is khilaafi karaan, laakin ilaahay waxuu amray inay kitaabka iskula noqdaan iyaguna midoobaan, labadaas arrimood Axmed iyo shabakadiisa waa lagala quustay. Midnimo umadeed iyo marjac kitaab midna ma rabaan, Sidaas daraadeed, waxaan tuhunsanahay inaanay ka marnayn dano shisheeye.

“In qofka ka tegay Al-shabaab aysan macnaheedu ahayn in uu ka baxay Shareecada Islaamka, ma ahan qofka Shabaabka ka horyimaada in uu noqonayo qof gaaloobay, marka dhalinyarada waxaan leeyahay haka waan toobeen dhibka ay shacabka ku hayaan kooxdaasi hana ka soo tegeen” ayuu yiri Maxamed Saciid Atam.

Isa soo dhiibista horjooge Maxamed Saciid Atam ayaa waxa ay niyad u tahay horjoogayaasha iyo falaagada Al-Shabaab ee fara ku tiriska kuwaasi oo ku dhuumaleysanaya qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Maxamed-Sacid-Atam

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com